Isniin, July 13, 2008(HOL): Dagaal waqti kooban socday balse la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa galabta casir-liiqii waxaa uu ka dhacay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, gaar ahaan Xaafado ka tirsan Degmada Hodan.
Dagaalka ayaa wuxuu dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, wuxuuna dagaalka bilowday kadib markii ay kooxaha dowladda Federaalka ka soo horjeeda ay madaafiic ku weerareen Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Madaafiicda ay Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda u ganeen dhinaca Garoonka ayaa lagu soo waramayaa in ay qaarkood ku dhaceen gudaha garoonka, halka kuwo kalena ay ku dhaceen garoonka hareerihiisa, gaar ahaan dhinaca Xero ay Ciidamada Amisom ku leeyihiin Dugsigii Tababarka Xalane.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ayaa markii madaafiicdaas lagu garaacay garoonka Diyaaradaha waxay iyaguna ku jawaabeen Madaafiic, kuwaas oo aan la ogeyn khasaaraha ay ka geysteen xaafado ay ku dhaceen oo Degmada Hodan ka tirsan.
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha uu dagaalkan geystay, waxaase jiray madaafiic ay laabda dhinac isu adeegsadeen intii uu dagaalka socday, kuwaasi oo ku dhacayay xaafado ku yaala magaalada Muqdisho.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ka dhaco Xaafado ka tirsan Degmada Hodan, isla markaana u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Amisom oo isku dhinac ah iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeday, waxaana jiray dhowr jeer oo hore oo uu degmadaas dagaal ka dhacay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia