![]() |
| Wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Nicolas Bwakira (Bidix /Sawirka Abdurrahman Hersi-(AP) |
Danjire Bwakira oo booqasho saacado qaadatay ku tegay magaalada Muqdisho ayaa intii uu halkaas ku sugnaa waxaa uu kulamo la qaatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ku simaha Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
Sidoo kalena Wakiilkan ka socday Midowga Afrika waxaa uu Muqdisho kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Amisom, kuwaasi oo qeyb ka ahaa booqashadiisa Muqdisho.
Danjire Nicolas Bwakira oo markii uu booqashadiisa dhameystay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho Wariyayaal kula hadlayay ayaa wuxuu sheegay in socdaalkiisa uu ku saabsanaa sidii uu Midowga Afrika u eegi lahaa Arrimaha Siyaasadda, Nabadgelyada iyo Xaaladda Bani’aadannimada Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay arrimahaas ka wada hadleen madaxda Dowladda Fedraalka Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in uu Midowga Afrika taageerayo Nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay inay si buuxda u taageerayaan heshiiskii ay dhinacyada Soomaalida ku gaareen Dalka Jibouti 9-ka bishii June ee aynu ka soo gudubnay.
Waxay ahayd markii labaad oo uu Danjire Bwakira booqasho gaaban ku tago Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo uusan ammaankeeda hagaagsaneyn, iyadoo markii ugu horeysay ee uu Muqdisho booqdayna ay ahayd dhamaadka sanadkii hore ee 2007.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
