Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maamulka Puntland ku eedeeyay in uu qabiil ahaan u xiray Dad u socday Magaalada Hargeysa

Isniin, July 13, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu eedeyn u jeediyay maamul Goboleedka Puntland oo uu sheegay in uu dad ka tegay deegaannada Beesha Hawiye oo ku sii jeeday Magaalada Hargeysa uu xir-xiray.

Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad ayaa shegay in Dadka uu maamulka Puntland xiray ay ahaayeen dad isugu jiray kuwo u socday Seminaar ka dhacaya Magaalada Haregysa iyo kuwo kale oo qoysaskooda u socday.

�Dadkaasi sida aan warka ku heyno waxay ahaayeen 11 ruux oo 9 ka mid ah ay ahaayeen dhalinyaro Seminaar u socotay, halka 2da kalena ay ahaayeen rag odayaal ah, waxaana lagu xiray Magaalada Gaalkacyo�ayuu yiri Axmed Diiriye Cali oo maamulka Puntland ugu baaqay in uu dadakaas xabsiga ka sii daayo.

�Ilama haboona in 18 sano oo ay Soomaaliya dhibaato ku soo jirtay kadib dad loo xir-xiro heybta Qabiilka ay ka soo jeedaan, marka waxaan leenahay mas�uuliyiinta maamulka Puntland dadkaasi xabsiga ha laga sii daayo�ayuu mar kale yiri Axmed Diiriye Cali.

�Dadkaasi waxaa naloo sheegay in loo xiray sabab la xiriirta tuhun ku saabsan dilkii Alle ha u naxariistee Cali Jaamac Biixi oo Gaalkacyo lagu dilay, Dadkaasi waxay ahaayeen dad meelo kale u socday oo Gaalkacyo sii marayay marka waxaan ugu baaqeynaa maamulka Puntland in dadkaas la  sii daayo�ayuu yiri Axmed Cali oo ka digay in haddii aan dadkaas la sii daayin ay taasi keeni karto in dad ka soo jeeda deegannada Puntland iyana la qabsado.

Hadalka uu sii daayay afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Afhayeen u hadlay maamulka Gal-Mudug State ee Koofurta Gaalkacyo ka taliya uu isna sheegay in maamulka Puntland uu  dad ka soo jeeda Deegaannada Hawiye xabsiga dhigay, wuxuuna ka codsaday maamulka Puntland inuu dadkaas sii daayo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia