Axad, 13, July, 2008 (HOL) Kulan Saacado badan qaatay oo dhaxmaray odayaasha dhaqanka Gobalka Hiiraan iyo Saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee gacanta ku haya Magaalada Beledweyne ayaa ugu danbeytii laysku afgrtay in dibadda loo saaro Ciidamada Maxkamadaha ee jooga Magaalada.
Kulanka oo dhinaca Saraakiisha Maxkamaduhu ay ka joogeen Shiikh Xuseen Gaagaale iyo Col. Cumar Xaashi Aadan oo ah Xoghayaha Arrimaha Gudaha Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa si weyn looga dooday xiisadda ka aloosan Magaalada iyo fariimaha isdaba jooga ah ee odayaasha ugu imaanaya dhinaca Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay xerada duleedka bariee Jante-kuundisho.
Nabadoon Dacar Xirsi Xooshow oo ah madaxa Golaha Odayaasha Dhaqanka Gobalka Hiiraan ayaa warbixin kooban ka siiyay Saraakiisha Maxkamadaha wax yaabahii lays kula soo qaaday kulan ay la yeesheen Odayaasha Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaana uu sheegay Nabadoon Dacar in ay soo jeediyeen Ciidamada Itoobiya muddo kooban gudahood in Ciidamada Maxkamaduhu uga baxaan Magaalada haddii kale ay gudaha u soo gali doonaan, isagoo intaa raaciyay in la soo siiyay mudo 4 casho ah lagana sugayo jawaab la xiriirta farriinta loo soo dhiibay.
Nabaddoon Dacar ayaa u jeediyay dhinaca Saraakiisha Maxkamadaha codsi ah in ay dibadda uga baxaan Magaalada si markaas loo bad baadiyo shacabka, gaar ahaan waxaa uu farta ku fiiqay meelaha ay degan yihiin dadka rayidka ah ee Ciidamada hada fariisinka u ah.
Intaas kadib Col. Cumar Xaanshi Aadan ayaa sheegay in aysan marnaba dhinacoodu diyaar u ahayn in lagu dul dagaalamo dadka rayidka, isagoo intaas ku daray in laga bilaabo maanta Ciidamada Maxkamaduhu dibadda ka tagi doonaan Magaalada, " Annaga oo fiirineyna Nabad-galyada dadka rayidka ah waan aqbalnay in aynu dibada Ciidamada u saarno, laakiin dhinaca Odayaasha Dhaqanka ma adinka ayaa damaan qaadaya in aysan soo gali doonin Ciidamada Itoobiya marka ay baxaan kuwa Maxkamadaha”ayuu hadalkiisa sii daba dhigay Col. Cumar Xaashi.
Nabadoon Dacar ayaase sheegay in arintaas ay ka wada hadleen dhinaca Saraakiisha Itoobiya isla markaana ay ka ballanqaadeen in aysan soo gali doonin Magaalada, lana sameyn doono ayuu yiri Ciidamo madani ah.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, kulanka waxaa uu ahaa mid si furan u dhacay iyadoo dhinacyadii ka qeyb-galayna ay isla garwaaqsadeen dhibaatada heysta dadka rayidka ah ee ka bara baxay gulufka dagaal ee maalmaha ka jiray Magaalada, waxaana haddii ay ka dhabeeyaan dhinaca Maxkamaduhu ballanqaadkooda ah in ay isaga baxaan Magaalada waxay rajo soo laabasho galin doontaa dadka rayidka ah ee ku dhibaateysa goobihii ay ku barkaceen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Saraakiisha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo ballan qaaday in ay dibadda uga baxayaan Magaalada Beledweyne
More News
- Dagaal ka dhacay Muqdisho
- Kooxda K/Cagta Banaadir Telcom ee Soomaaliya oo galabta ka badisay Kooxda Fitalo ee Dalka Burundi
- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho booqday
- Riiggii sababay Shaqaaqadii dhawaan Hargeysa ka dhacday oo la geeyay Deegaano kale
- Ciidamada Booliska Boosaaso oo soo bandhigay qalab laga sameeyo walxaha qarxa iyo 12 ruux oo lagu soo eedeeyay
- Maamulka Puntland oo sheegay in uu Dib ula wareegi doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maamulka Puntland ku eedeeyay in uu qabiil ahaan u xiray Dad u socday Magaalada Hargeysa
- Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo howlgallo burcad sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe
- Qoysas ka soo barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho oo ku dhibaateysan mid ka mid ah Xeryaha dadka soo barkacay ee Magaalada Beledweyne