Isniin, July 13, 2008(HOL): Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay howlgallo ka wadaan deegaanno ka tirsan Gobolkaas, iyagoo gacanta ku soo dhigay Rag Burcad ah oo dadka dhacayay.
Shiikh Abuukar Xasan Macallin oo ka mid ah Saraakiisha Maxkamadaha Islaamka ee ku sugan Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa wuxuu sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe ay rag burcad ah ku soo qabteen, isla markaana ay ku qaadi doonaan xukun ah waxa ay Shareecada Islaamka ka qabto burcadnimada.
“Waxaan heynaa Rag Burcad ah oo aan soo qabannay iyagoo dadka safarka ah dhac u geysanayay, waxaana lagu qaadi doonaan wixii ay Shareecada Islaamka ka qabto burcadnimada”ayuu yiri Shiikh Abuukar Xasan Macallin oo intaas ku sii daray in ay sii wadaan howlgallada ay burcadda uga sifeynayaan Gobolka Shabeelahada Dhexe.
Howlgallada ay Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ka wadaan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyay dadka ku safra Wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo sheegay in ay horay wadadaas ugu qabeen dhibaato ay u geysan jireen kooxo burcad ah oo dadka safarka ah ka dhici jiray waxa ay heystaan, sidoo kalena haweenka kufsan jiray.
Sidoo kalena Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay burcad ka sifeeyeen Wadada isku xirta Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan, waxayna haatan wadadaas tahay mid nadiif ah oo aan lagu arkeynin burcad horay uga qowleysan jirtay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia
Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo howlgallo burcad sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe
More News
- Dagaal ka dhacay Muqdisho
- Kooxda K/Cagta Banaadir Telcom ee Soomaaliya oo galabta ka badisay Kooxda Fitalo ee Dalka Burundi
- Saraakiisha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo ballan qaaday in ay dibadda uga baxayaan Magaalada Beledweyne
- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho booqday
- Riiggii sababay Shaqaaqadii dhawaan Hargeysa ka dhacday oo la geeyay Deegaano kale
- Ciidamada Booliska Boosaaso oo soo bandhigay qalab laga sameeyo walxaha qarxa iyo 12 ruux oo lagu soo eedeeyay
- Maamulka Puntland oo sheegay in uu Dib ula wareegi doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maamulka Puntland ku eedeeyay in uu qabiil ahaan u xiray Dad u socday Magaalada Hargeysa
- Qoysas ka soo barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho oo ku dhibaateysan mid ka mid ah Xeryaha dadka soo barkacay ee Magaalada Beledweyne