Isniin, July 13, 2008(HOL): In ka badan 1473 Qoys oo u badan Haween iyo Caruur ayaa siweyn looga derinayaan Xaaladooda Nolaleed kadib markii ay waayeen gar gaarkii ay u baahnaayeen, taasoo keentay in hada qaarkood gaar ahaan caruurtu bilaabeen in ay u geeriyoodaan Nafaqo daro ah Macaluul la soo daristay.
Xerada dadkan ay ku nool yihiin oo lagu Magacaabo (Xiintooy) ayaa marka aad dhax-tagto waxaa markiiba kuu muuqanaya dhibaatada Nolaleed ee ka taagan, waxaana ay in dhahaagu qabanayaan Caruur iyo Haween wajiyadooda laga dheehan karo sida ay u saameysay xaaalada cakiran ee ka jirta gudaha Xerada oo ah mid dhamaan ka sameysan Cooshado dadku gacamahooda ku sameysteen.
C/laahi Muxu'med Aamin oo ah horjoogaha dadka ku jira Xerada (Xiintooy) ee Magaalada Beledweyne ayaa HOL u sheegay in tan iyo markii ay soo dageen Xerada aysan helin gar gaarka mar marka qaar la gaarsiiya Xeryaha kale ee ka dhisan Magaalada, waxaana uu intaa raaciyay in marka uu waagu baryo Xeradu tahay mid cidla Islamarkaan Haweenka iyo Caruurtu ku yaacaan Magaalada si markaa ay uga dhax helaan ugu yaraan wax ay nafta ku celiyaan.
" Mar marka qaar waxaa dhacda in Qoysaska qaar sida ay saakay uga tagaan xeryaha in habeenkii ay dib u soo laabtaan iyagga oo faro maran, waxaana hooyooyin badan ku adkaata sidii markaa ay ka yeeli la haayeen caruurta oo ah kuwo aan ku qanci karin maata waxba la soo helin, ayuu yiri C/laahi Aamin oo dhinaca kale intaa sii raaciyay in hadii ay xaaladu sidan ku sii socto laga yaabo in Caruur badan u dhitaan Gaajo.
Inkastoo sida uu ka dhawaajiyay horjoogaha Xerada dhibaatada ugu daran tahay dhinaca cunada ayaa hadana waxaa xusid mudan dhibaatooyinka kale ay ka jiraan gudaha xerada sida hoy la'aan iyo Sixada oo ah mid aan hagaagsaneyn.
Xubno ka socda Golaha Odayaasha dhaqanka iyo Maamulkii hore ee degmada ayaa kormeer ay ku tageen xerada kadib waxaa ay sheegeen halkaa dhibaato ka jirto loona baahan yahay in dib loo eego nolasha dadka ku dhaqan, lakiin hadana ma'jirin lama qaadin talaabo intaa ka baxsan.
Sikastaba, C/laahi Aamin oo ah horjoogaha dadka ku jira Xerada ayaa ka codsanaya dhamaan Jaaliyadaha dibada in ay u soo maciinaan dadka dhibaatadu la soo daristay, gaar ahaan waxaa uu si gaar ah u xusay ururada wadaniga ah ee ku howlan gar gaarka la gaarsiiyo dadka ku barakacay gudaha dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia
Qoysas ka soo barakacay Dagaalada Magaalada Muqdisho oo ku dhibaateysan mid ka mid ah Xeryaha dadka soo barkacay ee Magaalada Beledweyne
More News
- Dagaal ka dhacay Muqdisho
- Kooxda K/Cagta Banaadir Telcom ee Soomaaliya oo galabta ka badisay Kooxda Fitalo ee Dalka Burundi
- Saraakiisha Xoogagga Maxkamadaha Islaamiga oo ballan qaaday in ay dibadda uga baxayaan Magaalada Beledweyne
- Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Muqdisho booqday
- Riiggii sababay Shaqaaqadii dhawaan Hargeysa ka dhacday oo la geeyay Deegaano kale
- Ciidamada Booliska Boosaaso oo soo bandhigay qalab laga sameeyo walxaha qarxa iyo 12 ruux oo lagu soo eedeeyay
- Maamulka Puntland oo sheegay in uu Dib ula wareegi doono Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool
- Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye oo maamulka Puntland ku eedeeyay in uu qabiil ahaan u xiray Dad u socday Magaalada Hargeysa
- Ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo howlgallo burcad sifeyn ah ka wada deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe