Isniin, 14 July 2008 (HOL): Riiggii ay dhawaan ka dhaceen shaqaaqooyinkii keenay dhimashada iyo dhaawaca, isla markaana ay shacabka gadoodsani is hortaageen qaadistiisa, ayaa saaka waaberigii laga qaaday goobtii uu yaalay ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, lana geeyay deegaanno ka tirsan Gobolka dhawaan la magacaabay ee Gabiley.
Qaadista Riiggan ayaa waxay ka dambaysay ka dib markii maalin ka hor uu sheegay Suldaanka guud ee Salaadiinta Somaliland, isla markaana ah Suldaanka Beesha Koonfurta Hargeysa ee dhawaan ka gadooday qaadista Riiggan Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir uu sheegay inay fasaxeen Riiggan, oo ay deegaan ahaan ogol yihiin in la qaado oo la geeyo goob kasta oo kale oo uu ka hawlgeli karo. "Marka Riiggan la qaadayo waa inaynu Calamaan cad-cad hor qaadnaa" ayuu yiri Suldaan Maxamed Sul Cabdiqaadir.
Saaka arooryadii hore ayay ahayd markii Riigga oo ay horkacayeen Ciidan tiro lehi, laga kaxeeyay halkii uu yaalay ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, iyada oo siday wararku sheegayaan la geeyay Deegaanno ka tirsan Gebilay. Waxaanay Wararku intaa ku dareen in marka hawlo Biyo-qodis ah uu ka fuliyo deegaanadaas, la gayn doono Deegaanada dhinaca bari ee Magaalada Hargeysa.
Bishan gudaheedii ayay ahayd markii shaqaaqo ka dhalatay Riiggan oo ay Xukuumadda Somaliland doonaysay inay geyso deegaanada Galbeed ee Somaliland, ay ka dhiidhiyeen kana hor yimaaddeen shacab gadoodsani. Taas oo ay ku dhinteen inta la ogyahay 3 qof, isla markaana ay ku dhaawacmeen 11 qof oo kale.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland