Isniin, July 13, 2008(HOL): Ciidamada Booliska Magaalada Bosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku soo dhigay qalab aad u fara badan oo isugu jiray Maar, Macdan iyo Xargaha Taleefoonada iyo kuwa Korontada ,kuwaasi oo la sheegay in la doonayay in loo adeegsado sidii khal khal loo galin lahaa amniga Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Qalabkaan ayaa lagu soo bandhigay Saldhiga Bartamaha Magaalada Boosaaso, waxaana bandhigga qalbkani la soo qabtay Goob joog ka ahaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdulaahi Siciid Samatar , Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland ,Guddoomiyaha Gobolka Bari Muuse Geelle Faroole iyo Taliyaha Saldhiga Bartamaha Magaalada iyo Mas’uuliyiin aad u fara badan oo ka tirsan Maamulka Puntland.
Taliyaha Ciidanka Booliska dawlada Goboleedka Puntland Sareeye Guuto Gaani ayaa sheegay in dadkani la soo qabtay xili ay ku guda-jireen fal dambiyeedka lagu soo qabtay.
Dadka lagu soo qabtay dabigaan ayaa labo ka mid ah waxey u dhasheen dalka Itoobiya , iyadoo inta kale ay ahaayeen dadka deegaanka , waxaana danbiilayaasha loo taxaabay jeelka Boosaaso.
Hawlgalka ay Ciidamada Booliska ay ku soo qabteen qalabka laga farsameeyo waxyaabaha la sheegay in ay qarxaan ayaa ku soo beegmaya ,iyadoo beryihii u dambeeyay ay soconayeen hawlo Baaritaanno ah oo Amniga wax looga qabanayo.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bossaso, Somalia