Taliyaha Qeybta Galbeed ee Booliska G/Banaadir oo ka hadlay Weerar xalay lagu qaaday Saldhigga Galbeed iyo howlgallo saaka halkaas laga sameeyay

G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise

Talaado, January 01, 2008(HOL): Taliyaha Booliska Qeybta Galbeed, ahna Taliye ku xigeenka Booliska Gobolka Banaadir G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise ayaa ka hadlay weerar xooggan oo xalay lagu qaaday Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley iyo howlgallo ay saaka halkaas ka sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Ciidamo Itoobiyaan ah.
 
Taliyaha wuxuu sheegay in weerarkii xalay lagu qaaday Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley uu ahaa mid aan wax khasaare ah ka soo gaarin Ciidamadii Saldhiggaas ku sugnaa, wuxuuna sheegay in ay labo qofood ka dileen kooxihii soo weeraray.
 
G/lle Dhexe C/llaahi Xasan Bariise oo shir jaraa’id ku qabtay Xarunta Saldhigga  Galbeed waxaa uu sheegay in howlgallo ay sameeyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya lagu soo qabtay hub isugu jiray labo Qori oo Baasuuke ah, Qori Hoobiye ah iyo Rasaas noocyo kala duwan leh, wuxuuna intaas ku daray in sidoo kale gacanta lagu soo dhigay shan ruux oo baaris lagu hayo.
 
Taliyaha waxaa uu sheegay in hubka ay soo qabteen lagu qariyay god lagu hoos qoday Haan ay biyaha ka cabaan Arday wax ka barata Dugsi ku yaala Deegaanka Dabaqeynka ee Degmada Dharkeenley, wuxuuna intaas ku daray in ay la yaab ku noqotay in meel Dugsi i Qur’aan ah lagu qariyo hub waxyeello geysan kara.
 
“Howlgalka aan sameynay waa uu ka duwanaa midkii caadiga ahaa ee ay Ciidamada Deegaanka sameyn jireen, waxaana maanta gelinkii hore oo dhan aan wadnay howlgallo aan ku soo qabanay hub noocyo kala duwan leh oo meel dugsi qur’aan ah lagu aasay, waxaana korka laga saaray hubkaas haan biyaha laga cabo oo dugsiga dhex-taalay”ayuu yiri C/llaahi Xasan Bariise.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Xaafado ka tirsan Degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ayaa habeenkii xalay ahaa waxaa ka dhacay dagaallo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo xaafadaha ay dagaallada ka dhaceen-na ay ka mid ahaayeen African Village, Kaasabolbollaare iyo Tareebuunka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia