Muqdisho oo xalay ku jiray habeen kale oo dagaallo ah

Talaado, January 01, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku jirtay habeen kale oo dagaal ah, waxaana xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Dharkeenley ka dhacay iska hor-imaadyo hubeysan oo u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

Meelaha ay dagaalladii xalay ka dhaceen oo  ka mid ah Xaafadaha African Village, Al-Baraka, Kaasabolbollaare iyo Tareebuunka oo ka tirsan Degmada Hodan ayuu iska hor-imaadka ka dhacay wuxuu ahaa mid waqti kooban socday, kaasi oo dhinacyadii ku dagaalamay ay isugu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Xaafadaha ay iska hor-imaadyada ka dhaceen oo ah kuwo ay dadkii deganaa mar hore ka barakaceen ayaan la soo sheegin wax khasaare ah oo ku soo gaaray dad rayid ah, iyadoo dhinaca kalena aan la ogeyn khasaare ay isu geysteen dhinacyadii dagaalamayay xiliga oo habeen ahaa aawgiis.

Laakin Madfac loo maleeyay in uu tuuray mid ka mid ah dhinacyada uu dagaalka u dhaxeeyay ayaa wuxuu ku dhacay guri ku yaala agagaarka Suuqa Siinaay ee Degmada Wardhiigley, wuxuuna madfacaas sababay dhaawac soo gaaray seddex ruux oo gurigaas ku sugnaa.

Dhanka kalena, dagaal muddo saacad ah socday ayaa xalay waxaa lagu qaaday Saldhigga Galbeed ee Degmada Dharkeenley, waxaana dagaalkaas oo bilowday abaara 11-kii habeeennimo uu ahaa mid si weyn u wel wel geliyay dadka ku dhaqan degmadaas, gaar ahaan nawaaxiga Saldhigga Galbeed oo markii hore ay ka dhici jireen iska hor-imaadyo daqiiqado socda.

Degmada Dharkeenley ayaa saaka waxaa ka barakacaya dad horay halkaas u deganaa iyo kuwo qax ku tegay, kuwaasi oo dagaalladii ay ka carareen looga daba-geeyay deegaanka ay u qaxeen, waxaana lagu soo waramayaa in ay dadkaas u sii qaxeen deegaanno ku yaala inta u dhaxeysa magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Ugu dambeyntiina, Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa sanadkii aynu ka soo gudubnay oo idil waxay ahayd mid aan xasilooneyn, waxaana mudadaas sanadka ah ka dhacayay dagaallo, qaraxyo iyo dilal, iyadoo ay xusid mudan in dagaallo dhacay ay geysteen dhimasho, dhaawac iyo barakac dad aad u badan oo ku noolaa xaafado ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia