Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha oo sheegay in sanadkii 2007 uu ahaa sanadkii ugu xadgudubyada badnaa Soomaaliya

Talaado, January 01, 2008(HOL): Hay’ado u dooda Xuquuqda Aadanaha oo fadhigoodu yahay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa warbixinno ay soo saareen waxay ku sheegeen in sanadkii la soo dhaafay ee 2007 uu ahaa sanadkii ugu xadgudubka badnaa dalka Soomaaliya.
 
Hay’adaha Dr. Ismaaciil Jicmaale Cosoble iyo Elman Cali Axmed oo labadaba u dooda Nabadda iyo Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay isku raaceen in sanadkii la soo dhaafay ee 2007 dhibaatooyin kala duwan loo geystay dad kumaan kun ah oo gudaha Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ku noolaa.
 
Guddoomiyaha Hay’adda Elman Inj. Suudaan Cali Axmed ayaa sheegay in sanadkii la soo dhaafay ay dagaallo ka dhacay Muqdisho ku dhinteen 6,501 ruux, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 8,516 qof halka uu sheegay in dad gaaraya 1.5 Milyan  ay ku barakaceen. halka uu sheego in ay jiraan Dumar la kufsaday oo iyana tiro badan.

Inj. Sudaan Cali Axmed waxaa uu sheegay in ay hayaan xog ku saabsan xadgudubyo sanadkii hore ka dhacay dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay ka soo uruuriyeen Isbitaallo iyo deegaanno ay booqdeen, wuxuuna caddeeyay in ay xogtaas soo bandhigi doonaan mar kasta oo looga baahdo.

Madaxa baarista Xad-gudubyada Hay’adda Dr. Ismaaciil Jimcaale C/llaahi Calas Jimcaale ayaa isna wuxuu sheegay in aanu Soomaaliya soo marin sanad Dadka Soomaaliyeed uga xadgudubyo badnaa sanadkii la soo dhaafay ee 2007, wuxuuna sheegay in ay dhaceen xadgudubyo damiiri ah oo lagu kala kacay dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

C/llaahi Calas Jimcaale waxaa uu sheegay in Dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho ay waayeen xuquuqdii aas-aasiga ahayd ee ay lahaayeen oo ay ugu horeyso in ay nabadgelyo ku noolaadaan, wuxuuna caddeeyay in haddii aan la joojin xadgudubyadaas ay Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho noqon doonto meel lama degaan ah.

Ugu dambeyntiina, Hay’adahan u dooda Xuquuqda Aadanaha ee ka howlgala Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu hadalkoodan ku soo beegmayaa iyadoo sanadkii hore ee 2007 uu shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho uu ugu soo dhamaaday dagaallo, qaraxyo iyo dilal, kuwaasi oo xalay oo ugu dambeysay sanadkii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia