Qarax kale oo xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso

Talaado, January 01, 2008(HOL): Qarax xalay ka dhacay magaalada Boosaaso oo ahaa kii labaad oo magaaladaas ka dhaca muddo labo todobaad gudahood ah ayaa waxaa lala beegsaday Ciidamo Boolis ah oo socod roondo ah ku marayay gudaha magaaladaas, gaar ahaan nawaaxiga Hotelka Shabeelle.

Qaraxaas oo aan lala helin Ciidamadii loola dan lahaa ayaa waxaa uu ahaa mid dhawaqiisa laga maqlayay magaalada Boosaaso, iyadoo qaraxanina uu ahaa mid si weyn u wel wel geliyay Dadka Magaalada Boosaaso oo aan iyagu qaraxyada horay u aqoonin.

Dad ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxay sheegeen in qaraxaas kadib rasaas ay fureen Ciidamadii qaraxa loola dan lahaa uu ku dhaawacmay qof rayid ah oo aan qaraxaas wax lug ah ku lahayn, inkastoo Taliyaha Laanta Dembi baarista Puntland Abshir Cabdi Jaamac (Abshir London) uu sheegay in qofka dhaawacmay uu dhaawacay firir ka soo baxay qaraxii lala beegsaday Ciidamada howlgalka amni sugidda ah sameynayay.

Abshir London waxaa uu intaas ku daray in ay jiraan dad loo soo qab-qabtay qaraxii xalay ka dhacay Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo haatan baaris lagu hayo, halka uu xusay in ay jiraan dad kale oo iyana dabagal lagu hayo.

Wuxuu ahaa qaraxii labaad oo muddo labo todobaad gudahood ah ka dhaca magaalada Boosaaso, iyadoo qarax midkan ka horeeyayna uu ka dhacay Xaafadda Biyo Kulule ee Magaalada Boosaaso, kaasi oo ay dhaawacyo ka soo gaareen dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Si kastaba qaraxyada ka dhacay magaalada Boosaaso ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo magaaladaas ay ka dhaceen af-duubyo is-xig-xiga oo loo geystay dad Ajaaniib ah oo Magaalada Boosaaso howlo kala duwan u tegay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia