Sanadkii 2007 ee ina dhaafay maxay Dadka Gobolka Hiiraan ku xusuusanayaan?

Talaado, January 01, 2008(HOL): Waa bilawga Sanadka Cusub ee 2008 oo dadka intiisa badan Rajeynayo in uu noqdo mid meesha ka saara xaaladihii qalafsanaa ee la soo maray Sanadkii ka horeeyay ee 2007 oo la oran kara qeybo badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya waxaa ka dhacay dhibaatooyinkii ugu cuslaa ee dalka soo mara xiligii bur burka gaar ahaan Caasimada Muqdisho oo ay ka dhaceen dagaalo sababay dhimashada Kumaan Ruux iyo barakaca inta badan dadkii ku dhaqnaa caasimada.
 
Gobalka Hiiraan marka la eego Sanadkii ina dhaafay ee 2007 waxaa soo maray dhacdooyin aan horay loo arag inta la og-yahay Taariikhda Sida Dagaalo iyo Qaraxyo Is Xig-xigay, Ismaadiid Siyaasadeed, Caburin dhinaca Saxaafada ah, iyo waliba Magaalada Beledweyne oo intoodii badneyd dadkii ku dhaqnaa uga baxeen Fatahad uu sameeyay Wabiga shabeele kasaa dhamaan magaalada ka dhigay Jasiirad biyuhu ku hareereysan yihiin..
 
Waxaase arinta ugu daran ee dadka Reer Beledweyne ku xasuusan doonaan 2007 Qaraxyadii sida is daba jooga ah uga dhacay qeybo ka mid ah Magaalada kuwaasoo ay ku naf-waayeen cel-celis ahaan ilaa 16 Ruux oo isku jiray dad Rayid ah iyo waliba Ciidamada Dowlada Federaalka, 
 
Mid ka mid ah Qaraxyada ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne Sanadkii ina dhaafay ee 2007 waxaa ku geeriyooday Alle ha naxariistee Qoys ka koobnaa 3 caruur ah iyo Abahood oo gurigii ay daganaayeen uu ku habsaday Madfac sida la sheegay ay soo rideen Ciidamada Itoobiya ee Fariisinkoodu yahay Deegaanka Jante-guudisho ee duleedka Magalada Beledweyne inkastoo saraakiishii Itoobiya ee xiligaa sheegeen in aysan wax shaqo ah ku leheyn aritaa iyada ah.
 
Sidoo kale Sanadii 2007 Maamulka Gobalka Hiiraan waxaa hareeyay Is qab-qabsi ku saleysan cida dhab ahaan maamuleysa hogaanka Gobalka kadib markii Dowlada Federaalka dhowr jeer is badal ku sameysay Maamulka Gobalka, waxaana ugu darnaa kii dhax-maray ku-xigeenada Maamulka Gobalka iyo Gudoomiyaha hadda talada haya oo markii danbe aritooda ay soo fara galiyeen Ciidamada Itoobiya ee fadhigoodu yahay duleedka Magaalada Beledweyne.
 
Inkastoo dhacdooyinkaa iyo kuwo ka badan oo aan la soo wada koobi karin uu soo maray Gobalka Hiiraan Sanadii ina dhaafay ayaa dhanka kale waxaa xusid mudan in Sanadkii 2007 saxaafada ka jirta Gobalka Hiiraan ay la kulantay caburin tii ugu darneyd ee soo marta,  waxaa la xiray oo xabsiga la dhigay Ilaa 4 Wariye oo ka kala Tirsanaa Idaacada Horn Afric, Somaliweyn, iyo waliba Simba, kadib markii sida la sheegay ay gudbiyeen warar qalad ah,  sidoo kale isla Sanadkaa waxaa uu Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ku dhawaaqay in saxaafadu aysan la hadli karin cid aan isaga aheyn islamarkaana ay qasab tahay in wararkiisa sikasta oo ay ahaadaan laga sii daayo Idaacadaha Gobalka iyo kuwa ka baxsan intaba.
 
Laakiin marka laga soo tago dhacdooyinka ku saleysan Dagaalada, Qaraxyada, iyo waliba ismaandiidka Siyaasadeed, waxaa la oran karaa Isla Sanadkii Ina dhaafay waxaa ay dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraan la kulmeen Maamul iyo hogaan ka gadisan ka duwan kuwii horay u soo maray kaasoo ay garwadeen ka ahaayeen Ma'uuliyiin ka tirsan Midowgii Maxkamadaha,  dadku xiligaa waxaa ay dareemeen Nabad-galyo iyo waliba xasilooni waxaan la mamnuucay waqtigaa ka ganacsiga wax yaabo badan oo ay ugu horeeyaan wax yaabaha maanka dooriya sida Qaadka oo kale.
 
Dhacdooyinkaa oo idil marka lasyku soo duubo waxaa la oran waa kuwo wali uu raadkoodu sii Muuqdo Sanadkan Bilowga ah ee 2008 inkastoo haddna dadku intiisa badan Rajeynayo in xaalku iska badalo sidii hore, waxaase xusid mudan Is-badal kasta oo ay dareemaan dadka ku dhaqan Gobalka Hiiraa waa Mid ku xiran hadba sida xaalka dalka oo idil isku badalo Sanadkan Gaar ahaan Muqdisho oo ah meel ay Ragaadiyeen Sanadkii 2007 Dagaalo aan horay u soo marin Caasimada,  Weyse HOL leedahay Sanadkan Cusub (KII NOO HA GAAGEE NOQO LOO HAN WEYN YAHAY)
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia