Abuu Mansuur oo sheegay in aysan wada hadallo la geleynin Dowladda Federaalka xitaa haddii ay Itoobiyaanka baxaan

Talaado, January 01, 2008(HOL): Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo ah Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa sheegay in weerarro habeen hore ka dhacay Magaalada Muqdisho uu dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ka dambeeyay, wuxuuna sheegay in ay weerarradaas ku qaadeen fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidmada Itoobiya, kuwa AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in weerarrada ay qaadeen ay ku jebiyeen sida uu u yiri cadawga dalka ku soo duulay, wuxuuna sheegay in ay dagaalyahannadooda dib ugu laabteen fariisimadooda iyadoo aaney wax dhibaato ah soo gaarin.

Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan dagaallada ay kala soo horjeedaan Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Shisheeyaha ah ee gacanta siinaya, wuxuuna caddeeyay in aysan joojin doonin weerarrada ay qaadaan ilaa iyo inta ay Ciidamada Itoobiya ka baxayaan Dalka Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay Su’aal ku saabsaneyd in ay wada hadal la gelayaan Dowladda Federaalka haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka ka baxaan Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in aysan jirin cid wada hadal lala gelayo oo joogi doonta, “Haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan ma jiri doonto cid ku hari doonta halkan oo wada hadal lala geli doono, waayo kama hari doonaan Itoobiyaanka”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dhanka kalena, Shiikh Mukhtaar Roobow wuxuu iska diiday in ay ka dambeeyaan madaafic dad rayid ah ku baabi’isay Xaafado ka tirsan Degmada Yaaqshiid, wuxuuna sheegay in ay Madaafiicdaas soo tuureen Ciidamada Itoobiyaanka oo uu sheegay in ay sidoo kale ka dambeeyeen madaafiic lagu garaacay Suuqa Bakaaraha oo iyana ay dad badan ku dhinteen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia