Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi ee Dalalka Soomaaliya iyo Kenya oo xalay meelo isaga mid ahaa!!

Talaado, January 01, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda Dalka Soomaaliya iyo Magaalada Nairobi ee iyana caasimadda u ah Dalka Kenya ayaa habeenkii xalay ahaa meelo isaga mid ahaa.

Meelaha ay labada magaalo isaga mid ahaayeen ayaa waxaa ka mid ah iyadoo dadka ay nabadgelyo darro aawgeed guryahooda ugu jireen, in ay magaalada ka jirtay kala qeybsanaan siyaasadeed, in shaqaaqooyin ka dhacay magaalooyin dhowr ah oo ay Nairobi ku jirto ay ku dhinteen dad aad u tiro badan iyo in aan laga soo dhaweynin sanadka cusub 2008.

Marka laga eego dadka shalay kaliya ku dhintay afar magaalo oo ka tirsan dalka Kenya waxaa la dhihi karaa Soomaaliya waa ay ka daran tahay Kenya waayo ma dhicin in maalin kaliya ay dhintaan dad tiradaas la eg, waxaana lagu soo waramayaa in iska hor-imaadyo ka dhacay Magaalooyinka Kisumu, Eldoret, Mombasa iyo Nairobi ay ku dhinteen dad ka badan 150 ruux.

Sidoo kalena, Idaacadaha Caalamka qaarkood ayaa waxay soo tebiyeen dhawaqa rasaas ka dhaceysa gudaha magaalada Nairobi, taasi oo ay ridayaan Ciidamada Ammaanka Kenya iyo, halka dad gadoodsan oo taageersan hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Raila Odinga ay iyana sameynayeen qalalaase iyo fowdo keenay in ay dadka intaas la eg dhintaan.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Raila Odinga oo weli ku qanci la’ in looga adkaaday doorashooyinkii ka dhacay dalka Kenyaa wuxuu taageerayaashiisa ugu baaqay in ay Khamiista soo socota banaanbax isugu yimaadaan, si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan natiijooyinka doorashooyinkii Kenya ka dhacay, wuxuuna si cad u sheegay in aysan dhici doonin in ay wada hadal la galaan Madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki isagoo madaxweynenimo sheeganaya, wuxuuse sheegay in ay wada hadli karaan kadib marka uu is-casilo.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia