Talaado, January 01, 2008(HOL): Hay’adda Dhaqaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF-Spain ayaa waxay bilowday in ay shaqaalaheeda kala baxdo dalka Soomaaliya, iyadoo taasina sabab uga dhigtay shaqaale u shaqeynayay oo looga af-duubtay magaalada Boosaaso.
Ilaa 7 Shaqaale ah ayay shalay ka saartay Hay’adda MSF-Spain magaalada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe, halkaas oo ay ka heysay howlo samafal ah oo si gaar ah ay ugu gargaareysay Hooyada iyo Dhallaanka.
Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Dhexe Maxamed Cumar Deelle ayaa sheegay in uu ka war-hayo go’aanka ay Hay’adda qaadatay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in mas’uuliyiinta Hay’adda ee joogtay magaalada Jowhar ay ku wargeliyeen in ay shaqaalahooda kala baxayaan dhamaan dalka Soomaaliya, iyadoo sababtuna ay tahay in weli laga heysto shaqaale laga af-duubtay.
Hay’adda MSF-Spain oo ka mid ah Hay’adaha aan dalka Soomaaliya ka bixin xiliyadii ugu adkaa ee dalka Soomaaliya soo maray, gaar ahaan xiliyadii colaadaha ayaa haatan waxay madaxdeedu sheegayaan in aysan sii shaqeyn karin iyadoo shaqaale ka mid ah oo howlo samafal ah hayay la heysto.
Go’aanka ay gaartay Hay’adda MSF-Spain ee ah in ay ka baxdo Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddo 9 maalmood ah lagu heysto dhul buuraley ah oo ku yaala Bariga Boosaaso labo samafale oo u shaqeynayay Hay’adda MSF-Spain, kuwaasi oo kala ah Dhaqtarad u dhalatay Dalka Spain oo lagu magacaabo Marcediz iyo Kalkaaliso u dhalatay dalka Argentina oo lagu magacaabo Pillar.
Kooxaha af-duubka ku heysta labadan samafale ayaa waxay soo qadimeen lacag madax-furasho ah oo ay doonayaan, hayeeshee maamulka Puntland ayaa dalabkaas ka soo horjeestay, wuxuuna madaxweynaha maamulkaas Jen. Cadde Muuse uu sheegay in aan wax lacag ah la siin doonin kooxaha af-duubka geystay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia