Khamiis, February 28, 2008(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta khudbad u jeediyay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in uusan jirin khilaaf u dhaxeeya isaga iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya-C/llaahi Yuusuf Axmed iyo R/W Nuur Cadde
“Waxay ila tahay in aad beryahan maqleyseen madaxa ayaa la iskula jiraa iyo wax baa qariban, hadde waxaan idiin sheegayaa in hadalkaas uu la mid yahay hadalkii la sheegi jiray markii aan xanuunsanayay ee aan maqnaa”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo Xildhibaannada Baarlamaanka u sheegay in ay hadalkaas ka dhigaan mid aan wax ka soo qaad lahayn.
Intaas kadib madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu ka hadlay waxyaabihii ay qabatay Dowladda Federaalka iyo waxyaabaha u harsan in ay qabato, wuxuuna sheegay in waxqabadka Dowladda laga sheegi karo kaliya sida uu u yiri uu yahay in ay jebisay Maxkamadihii Islaamka, in ay shir dib u heshiisiin qabatay iyo in ay Muqdisho ku shaqeyneyso, wuxuuse sheegay in ay howl badan u harsan tahay Dowladda Federaalka.
Mar uu ka hadlayay waxa keenay in Isaga, Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe oo Muqdisho ku sugnaa ay isugu soo raacaan Baydhabo waxaa uu sheegay in ujeedada arrintaas ka dambeysay ay ahayd in ay soo dhaweeyaan Wufuud uga imaaneysay Itoobiya iyo Qaramada Midoobay oo maanta iyo shalay ay kulamo la lahaayeen, kuwaasi oo ay ka wada hadlayeen Arrimo ku saabsan Dib u heshiisiinta iyo Nabadeynta Soomaaliya.
Hadalka Madaxweynaha ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo ay beryahan jireen warar la isla dhexmarayay oo sheegayay in uu jiro khilaaf ku saabsan qaabka loo wajahayo Dib u heshiisiinta Soomaaliya, kaasi oo u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.
Dhanka kalena, waxaa maanta isna la hadlay Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ugu baaqay dadka Soomaaliyeed in ay isu tanaasulaan, “Dadka Soomaaliyeed waa isku Af, isku Dhaqan, isku Diin, xalna wey gaari karaan, haddii aad xal gaartaan waxaad ka gudbeysaan dhibaatada mudada dheer idiin dhaxeysay”ayuuna yiri Dajire Ahmedou Ould-Abdallah oo la hadlayay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo ku kulansanaa Xaruntooda KMG ah ee Baydhabo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia