Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Shibis oo xalay toogasho lagu dilay iyo Guri ay degan yihiin Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka oo xalay Bambo Gacmeed lagu weeraray

Khamiis, February 28, 2008(HOL): Rag bastoolado ku hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxay toogteen Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Shibis oo lagu magacaabi jiray C/llaahi Maxamed Xaaji Kajaale.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay toogteen labo Nin oo Bastoolado ku hubeysan xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Maqrib, isagoo ku sii jeeday Gurigiisa oo ku yaala Degmada Shibis.

Ragga dilka geystay ayaa halkaas ka baxsaday sida ay dadka deegaankaas sheegeen, iyadoo wax yar kadib markii uu dilkaas dhacayna ay goobta gaareen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo sameeyay howlgallo baaris ah, inkastoo aysan ku guuleysan in ay gacanta ku soo dhigeen raggii dilka geystay.

Guddoomiyaha Degmada Shibis Maxamed Cabdi Filfil ayaa sheegay in marxuumka ay toogteen sida uu u yiri Kooxaha diidan in la soo celiyo nabadgelyadii iyo kala dambeyntii Soomaaliya, wuxuuna sheegay in ay haatan baaris wadaan isla markaana ay ku rajo weyn yihiin in ay gacanta ku soo dhigaan raggii ka dambeeyay dilka marxuumka.

Ma ahan mas’uulkii ugu horeeyay oo ka tirsan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana horay loo dilay 9 guddoomiye degmo, Guddoomiye ku xigeenno, Guddoomiye Waaxeedyo iyo weliba Afhayeenno uu lahaa maamulka Gobolka Banaadir.

Dhanka kalena, waxaa xalay Bambo gacmeed lagu tuuray guriga Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Muxyaddiin Maxamed Xaaji, iyadoo qarax ka dhashay bamkaasina uu geystay dhaawac soo gaaray ilaaladii guriga. Gurigan ayaa sidoo kale waxaa degan Ra’iisal wasaare ku xigeenno ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, inkastoo aysan xalay ku sugneyn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia