Kooxo hubeysan oo weerar ku qaaday Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa

Khamiis, February 28, 2008(HOL): Kooxo hubeysan ayaa saaka barqadii waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku sugnaa Suuqa Xoolaha Daryeel ee Degmada Huriwaa, iyadoo kadibna uu dagaal xooggan dhexmaray Ciidamo Suuqaas Canshuuro ka qaada iyo Kooxaha hubeysan ee weerarka ku soo qaaday.

Dagaal dhexmaray Ciidamada Dowladda iyo Kooxaha hubeysan ayaa waxaa uu sababay dhimasho soo gaartay labo ruux oo ka mid ahaa dadkii Suuqa ku ganacsanayay, halka uu dhaawac soo gaaray ruux kale.

Goob-jooge lagu magacaabo Axmed Maxamed Xaaji oo degan Xaafadda Waxar-Cadde ee Degmada Huriwaa  ayaa sheegay in uu labada dhinac dagaal xooggan dhexmaray, isla markaana uu dagaalkooda ku faafay deegaanno ka fog Suuqa uu dagaalka ka bilowday, isagoo intaasna ku daray in ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta Suuqa Kooxihii weerarka soo qaaday.

Goobjoogahani wuxuu intaas ku daray inay Kooxaha weerarka soo qaaday gacanta ku dhigeen seddex askari oo ka mid ah Ciidamadii Suuqa joogay iyo weliba Haweeney Suuqaas caan ka ah oo ciidamada u qaadi jirtay lacagta Canshuurta ah.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ku dhexmaro Suuqa Dayax Ciidamada Dowladda Federaalka ee canshuuraha ka qaada iyo kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda, waxaana jiray weerarro dhowr ah oo horay loogu qaaday.

Ugu dambeyntiina, Dagaalka maanta ka dhacay Suuqa Xoolaha Dayax ee Degmada Huriwaa ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo muddooyinkan ay deganeyd xaaladda Suuqaas isla markaana iyo weliba weerarradii ay kooxaha hubeysan ku qaadeen fariisimada ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya ay ku leeyihiin Deegaanada u dhow Suuqaas.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia