WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA "Itoobiya Waxay bur-burisay khatar xoog leh oo halis galisay"


Khamiis, February 28, 2008(HOL): Wasiirka Arrimaha DIbada iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee wadanka SOmaliya Cali Axmed Jaamac Jingali ayaa xalay kulan gaaban la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Wadanka Uganda, waxaana kulankaas oo uu soo qaban qaabiyay Sii-hayaha Safaaradda Soomaalida ee Uganda Cadulqaadir Faarax uu wasiirku uga sheekeeyayay qodobo dhowr ah oo la xiriira siyaasadda Dowladda, Nabadda, joogista Ciidamada Itoobiya, doorashada 2009, iyo Furitaanka Safaaradda SOmaaliya ee Uganda.

Kaddib warbixin guud oo guddoomiyaha Jaaliyadda uu Wasiirka siiyaya ayaa Wasiirku wuxuu hadalkiisa ku billaabay "DOwladda Uganda aad iyo aad ayay noo gacan qabtay, wax la isku aamino tii ugu fiicneyd ayay Somaliya ku aamineen, taas oo ah wiishashooda, waayo waxay u dhabar adeygeen in ay wadan dhibaateysa ciidankooda geeyaan, si ay uga qeyb qaataan Nabad ku soo dabaalista Somalia, waxay saaxiib aad u dhow yihiin dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ah joogaan, mar kasta oo aan la sheekeysano, waxay noo sheegaan in Dadka SOomaaliyeed ee Ugadan degan ay yihiin dad Nabad iyo wanaag ku jooga, runtiina waa abaal ay noo galeen" ayuu yiri Wasiirka oo intaas sii daba dhigay "Safaaradda Somaliya ee Uganda goor dhow waa howl galeysa, waxaa magacaaban Safiirka Somalia ee Uganda Sayid Axmed Sheekh Daahir, waloow ay jirto dhaqaale la'aan aad u xoogan, hadana dano xoog leh ayaa naga dhexeeya Uganda waana howl galeysaa Safaaraddu goor dhow"

Mar wax laga weydiiyay dib u heshiisiinta iyo Ururka dib u xoreynta SOmalia ee jooga Asmara wuxuu yiri "Dowladda cusub ee tirada yar leh waxay jidka u xaaqeysa nabadda iyo Dib u heshiisinta, waana in qof kastaahi dhexda marada ku xirtaa si loo helo qaran taagan, kooxda Asmara waxay ku dhegan yihiin hal qodo oo ah Waa in IToobiya dalka ka baxdaa, laakiin maahan in ay is toxbiyaan oo meel ay qabsadaan, inaga waxaan dooneynaa in ay dowladnimada ay nala qeyb sadaan, diyaar ayaana u nahay in ay maamulka wax ka qeybsadaan, runtiina qof kastaahi waa inuu ogaadaa in dowladdu ay tahay mid loo dhamaado waayo Dano kulmay oo la isku af garto ayaa fuliya ujeedo la la isku raacsan yahay, xilli kasta waan la xiriirneynaa waana soo dhaweyneynaa is fahan na dhex mara, shacabka kale qudhoodu ha ogaadeen in ay wax ku leeyihiin dib u heshiisiinta, waana in dad badan oo aamusan ay hadalaan oo wax la wada toosiyo, danta Soomaaliyeedna laga fikiraa"

In la heshiiyaahi waa muhiim, isku dhag-dha, ka carar iyo kala qeybsanaan siyaasadeed waxba ma tareyso, dad badan oo is gumaaday oo ba' iska raacsiiiyay ayaa heshiisay, bal eeg Rwanda waxa ka dhacay, ma is leedahay marka in ay dad saaxiibo ah oo is dhexgala, wada ganacsada, isla kaftama ay heshiin waayaan?, waa in laga heshiiyaa, la isna aaminaa oo meesha laga saara is fahamdarrida yar ee jirta" ayuu sii daba dhigay Wasiirku.

"Waxaa nasiib darro ah in 5-tii sano ee Dowladda KMG loogu talo galay ay ku dhammaan rabto khilaaf iyo kala fogaasho, in kasta oo shirkii dib u heshiisiinta ee dhawaan la qabtay uu xoogaa is bedel ah sameeyay, taas oo ay ka mid tahay Xukuumad yar oo tayo leh oo tan maanta shaqeyneysa ah"

Su'aal Somalida Uganda ay weydiisay Waiirka oo aheyd YAA KA DAMBEEYA DHIBKA SOMALIYA KA JIRA? wuxuu Wasiirku uga jawaabay "Laba arrimood ayaa ka dambeeya dhibka Somalia ka jira, (1) Dadadka wax heysta oo SOmalida ah ayaan ogoleyn in la helo maamul dowladeed oo shaqeeya, waana arrin la yaab leh in fidno ay hor kacaan dad hantiile yaal ah, adduunka waxaa jirta in dadka xoolaha heystaahi ay iyagu Nabadda raadinaay si ganacsigooda iyo dhaqaalahooda ay u nabad galaan (2) aaminaad darro siyaasadeed oo ka timid ku xadgudubkii ama abuse loo geystay dowlad shaqeyneysay oo meesha laga saaray, waxaana idiin sheegayaa in aan lagu mar-marsiyoon American iyo Itoobiyaan ayaa diidan Nabadda Soomaaliya ee inaga ayaa isku diidan"

Mar uu ka hadlay Mr. Jingali sida ay ciidamada Itoobiya dalka ku soo galeen wuxuu yiri "Itoobiyaanku ma dooneyn, mana doonayaan wax la yiraahdo Jihaad lala galo, waxayna u aragtay khatar xoog leh oo soo foodsaartay kooxihii watay JIhaadka, mana jirto Dowladda fiirsaneysa khatar ku soo wajahan jiritaankeeda, maantana waxay diyaar u tahay in ay Soomaaliya ka baxdo, in kasta oo dadka qaarkiis ay aaminsan yihiin in Itoobiya ay wadanka qabsatay, hadana waa wax kama jiraan oo ma dhici karto dal dal kale qabsadaahi maanta oo qarnigii 21-aad lagu jiro"

Wasiirka oo Saadaal ka bixinaya doorasho kaddib dowladan hadda jirta ayaa yiri "Waxaa hubaal ah haddii ay sidan ku sii socoto in aysan dhaceynin doorashada 2009, in ay nooga darto ayaa suurto gal ah Doorasho, waayo dowladda dhisanaa ayay qal-qal galisay, qaarkoodna waa bur-burisay, laakiin haddii Xukuumadda aan hadda ka tirsanahay ay u hirgasho qorshaha doorasahda iyo diyaarinta Tastuur xoogan, waxaa dhici karta in wadanku uu jawi nabadeed uu galo, la iskuna fahmo dano kulma oo horumar horseeda".

Wasiirka oo safar shaqo oo dhowr maalmood ah ku joogay Magaaladdan Kampala ayaa maanta dib ugu laabtay Magaaladda Nairobi ee Xarunta Kenya, wuxuuna kaddib sii aadi doonaa Magaaladda Baydhabo ee saldhiga u ah dowladda Federalka Somalia.

Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
[email protected]
Kampala, Uganda