Khamiis, February 28, 2008(HOL): Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa maanta wuxuu kulan kula qaatay Magaalada Baydhabo madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah
Danjirahan ka socda Qaramada Midoobay oo booqasho gaaban ku soo qaatay Deegaannada Puntland ayaa la sheegay in ay madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ka wada hadleen arrimo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan xalaadaha ammaan iyo Bani’aadannimo ee ka taagan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Shirka ay yeesheen Madaxda Dowladda iyo Ahmedou Ould-Abdallah oo ahaa mid ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxay labada dhinac iskula soo qaadeen sida loogu baahan yahay in Nabad iyo Dib u heshiisiin lagu soo dabaalo Dalka Soomaaliya oo muddo 17 sano ah ay dadkiisa dhibaato ku jiraan.
Ahmedou Ould-Abdallah ayaa wuxuu dhawaanahan dadaal ugu jiray sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda ka taagan Soomaaliya, gaar ahaana Dib u heshiisiin looga dhex bilaabi lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Waxaa jira caqabado ka imaanaya labada dhinac oo uu ergaygan la kulmay wuxuuna dhinaca Mucaaradka Dowladda ka guddoomay shuruud ay wada hadalka ku xireen oo ah in marka hore Dalka Soomaaliya laga saaro Ciidamada Itoobiya, halka madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo ugu sareeya Dowladda Federaalkana uu dhowr jeer sheegay in ay Dowladda la hadleyso Dadka aan ahayn Argagixisada uu Caalamka doonayo iyo Dadka aan dagaal wax ku dooneynin, walow uu Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Nuur Cadde uu sheegay in ay la hadleyso Xukuumaddiisa dhamaan mucaaradka ka soo horjeeda meel walba oo ay joogaan.
Ugu dambeyntiina, Danjire Ahmedou Ould-Abdallah ayaa tan iyo markii loo magacaabay Arrimaha Dalka Soomaaliya waxaa uu dhowr jeer oo hore uu kulamo la qaatay Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo sidoo kalena Magaalada Asmara ee dalka Eritrea kulan kula soo qaatay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, isagoo intaasna dadaal ugu jira sidii ay wada hadallo u dhexmari lahaayeen dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia