Khamiis, 28, Feb, 2008 (HOL) Maamulka Gobalka Hiiraan ayaa Xabsigga u taxaabay Xubno ka tirsan Gudigga Sportiga Gobalka Hiiraan kadib Markii lagu soo eedeyay in ay ka been abuurteen Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan islamarkaana ku dhaqaaqeen qabashadda shir lagu soo dhisayay maamul uu yeesho Sportiga Gobalka Hiiraan.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan oo bixiyay amarka lagu xiray Xubanaha ka tirsan Gudigga Sportiga Gobalka ayaa sheegay in uusan ka warqabin qabashadda shirka ay ku yeesheen Xubnahan Magaaladda Beledweyne kaa oo ay ku tilmaameen in uu u fasaxay Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan.
Xubnaha Xabsigga la dhigay oo gaaraya 7 Ruux ayaa waxaa ka mid ah Cayaartoy siweyn magac uga dhax lahaa Sportiga dalka Soomaaliya kuwaa oo maalmihii aynu soo dhaafnayba waday kulamo iyo shirir looga soo horjeeda Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) oo hadda ah Gudoomiyaha Gudigga Sportiga Gobalka Hiiraan.
Shirka ay ku yeesheen Magaaladda Beledweyne Xubnaha Xabsigga la dhigay ayaa looga dhawaaqay Maamul cusub oo uu yeesho Soportigga Gobalka Hiiraan kaasoo Gudoomiye looga dhigay C/laahi Bay oo hadda ku jirra Xabsigga dhexe ee Magaaladda Beledweyne.
Cumar Aadan Deeqow (Baadiyow) oo ah Gudoomiyaha Gudigga Sportigga Gobalka Hiiraan oo ay HOL weydiisay wax uu kala socdo Xarigga Xubanaha ka tirsan Gudigga Sportiga Gobalka ayaa sheegay in uu ka war hayay muranka ku saabsan shirka ay ku qabteen Magaaladda Beledweyne, lakiin waxaa uu tilmaamay in uu ka xun yahay xarigga isagga oo intaa ku daray in uu jiro dadaal la doonayo in lagu sii daayo.
Dhinaca kale Cumar Baadiyow waxaa uu sheegay in aysan habooneyn ku dhaqaaqida howlo wax lagu bur-burinayo loona baahan yahay hadii uu qaladaad jiro in si gaar ah looga wadda hadlo, ""Maamulka Sportti ee hadda ka jira Gobalka waxaa uu ku talaabsaday guulo wax ku ool ah oo waliba la taaban karo, sidaa daraadeed ma'aha in wax layska mucaaraddo, waan soo dhaweynayaa Cidii wax saxeysa, lakiin waxaa daran in talaabo qadan la qaado ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan ay xiriir la soo sameeyeen Mas'uuliyiin ka tirsan Xiriirka Kubada Cagta Soomaaliyeed iyo waliba Dowladda Federaalka kaa oo lago dalbaday in uu sii daayo Xubanaha xiran islamarkaana wixii qaladaad ah ee jira lagu saxo qaab wada hadal ah.
Bilihii aynu soo dhaafnayba waxaa sii xoogeysanayay khilaafka u dhaxeeya Xubnaha Sportiga Gobalka Hiiraan kadib markii qaar kood ay ka biyo diideen Maamulka hadda jira oo ay ku tilmaameen in uu yahay mid aan sameyn mutadii uu jiray hor mar la taaban karo, lakiin ugu danbeytii khilaafkii jiray ayaa ku soo gaba gaboobay in xabsiga la dhigo xubnaha qaarkood.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia