Idaacadda Horn Afrik oo Hawada dib ugu soo noqotay kadib 10 maalmood oo ay shaqo joojin ku jirtay

Khamiis, February 28, 2008(HOL): Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto Magaalada Muqdisho  oo hawada ka maqneyd muddo 10 maalmood ah ayaa maanta dib hawada ugu soo noqotay.

Mudadii ay Idaacadda hawada ka maqneyd ayaa waxaa si weyn looga dareemay magaalada Muqdisho oo dadka ku nool ay Idaacadda ka dhegeysan jireen Idaacado caalami ah sida Laamaha kala duwan ee Idaacadaha BBC-da iyo VOA-da, kuwaasi oo beryahan noqday kuwo war heli waayay.

Idaacadda Horn Afrik ayaa marka laga soo tago wararka u gaarka ah ee ay dhegeystayaasheeda u tebiso waxaa ay sidoo kale u soo gudbisaa Laamaha Afka Soomaaliga, Carabiga iyo Ingiriiska ee Idaacadda BBC-da, kuwaasi oo ay ka dhegeystaan Mowjadda Idaacadda ee ah 99.9 MHz.
 
Sidoo kalena, Idaacadda Capital Voice oo iyadana bah-wadaag la ah Idaacadda Horn Afrik ayaa waxay iyadana u soo tebisaa Dadka Soomaaliyeed Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda Codka Mareykanka VOA, taasi oo ay ka dhegeystaan Mowjadda 88.8 MHz.
 
Dadka Muqdisho ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa sida gaarka ah ugu taxnaa Idaacaddaas ayaa si weyn u soo dhaweeyeen dib u soo laabashada Adeegga Warbaahineed ee Shirkadda Warbaahinta Horn Afrik.

Haddaba waxaa la is-weydiin karaa markii horeba maxaa keenay in ay Idaacadda hawada ka baxdo kadib muddo 10 sano ku dhow oo ay shaqeyneysay, hayeeshee su’aashaas waxaa isla Idaacadda Horn Afrik uga jawaabay mid ka mid ah Saamileyda Shirkadda Horn Afrik oo lagu magacaabo C/llaahi Maxamuud Maxamed Geeda-Qorow.

“In aan Idaacadda Hawada ka saarno waxaa keenay labo arimood oo kala ah: In uu geeriyooday Cali Iimaan Sharma-arke oo inta badan hayay maamulka Idaacadda iyo Axmed Cabdisalaan Xaaji Aadan oo isna siyaasad galay, isla markaana ka mid ah Mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadibna ay soo baxday in kaalinkii ay raggaas buuxinayeen uu banaanaaday, sidoo kalena ay meesha soo gashay xuquuq ay leeyihiin Agoonta uu ka geeriyooday Walaalkeen Cali Iimaan, taasi oo aan garanay in ay lagama maarmaan tahay in arrintooda laga hadlo”ayuu yiri C/llaahi Geeda-Qorow oo dhegeystayaasha Idaacadda Horn Afrik ka raaligeliyay hilowga ay u qaadeen mudadii ay Idaacadda hawada ka maqneyd.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Idaacadda Horn Afrik oo ka mid ah Idaacadaha sida weyn looga dhegeysto gudaha dalka Soomaaliya iyo Dibaddiisa ayaa waxaa la aas-aasay 12-kii December ee sanadkii 1999-kii, iyadoo ka maqnaashaheeda si weyn loo dareemay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia