Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo beeniyay in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu u raacay Addis Ababa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya

Khamiis, February 28, 2008(HOL): Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa wuxuu beeniyay warar ay sii daayeen qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho oo ahaa in Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde uu Addis Ababa u raacay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo shalay Baydhabo u yimid wada hadal uu la yeesho Madaxda sare ee Dowladda Federaalka.

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu sheegay in warkaas uu ahaa mid aaney waxba ka jirin, wuxuuna sheegay in uu Ra’iisal Wasaaraha joogo magaalada Baydhabo oo uu shalay subax gaaray, “Warbaahinta waxaan kula talinayaa in ay sheegaan warar run ah oo ay iska hubiyeen”ayuu yiri Cabdi Xaaji Goob-doon.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in Ra’iisal Wasaaraha uu howlo shaqo u joogo Magaalada Baydhabo, isagoo dhinaca kalena waxba kama jiraan ku tilmaamay in uu jiro khilaaf u dhaxeeya Madaxweyanaha iyo Ra’iisal Wasaaraha.

Mar wax laga weydiiyay waxyaabihii ka soo baxay kulan shalay Baydhabo ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfin iyo Madaxda sare ee Dowladda waxaa uu sheegay in ay labada dhinac ka wada hadlayeen arrimo ku saabsan dib u heshiisiinta iyo weliba nabadeynta Soomaaliya, isagoo carrabka ku dhuftay in Dowladda Itoobiya ay gacan ka geysaneyso sidii dib u heshiisiin loo dhex dhigi lahaa dhinacyada Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.

Hadalkan beeninta ah ee uu sii daayay Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo qaar ka mid ah Idaacadaha Muqdisho ay sii daayeen war ku saabsanaa in markii la xalin waayay khilaaf soo kala dhexgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ay taasi keentay in Ra’iisal Wasaaraha uu horay u raaco Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo u amba baxay Dalka Itoobiya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia