Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose

Axad, February 24, 2008(HOL): Dagaal xooggan ayaa maanta wuxuu ka dhacay Deegaanka Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, iyadoo dagaalkaasina uu u dhexmaray Maleeshiyo Beeleedyo ka soo jeeda Deegaankaas iyo Ciidamada Amniga Deegaanka.

Dagaalkan oo ay ku dhinteen 3 ruux, 8 kalena ay ku dhaawacmeen ayaa la sheegay in uu salka ku hayo Nin dhalinyaro ah oo dhawaan ay Bartamaha Degaanka Dhoobley ku dileen Ciidanka Amniga Deegaanka Dhoobley.

Warar aynu ka helnay Degmada Af-Madow ayaa waxay sheegayaan in Ninka la dilay ee uu dagaalka ka bilowday intii aan la dilin ay u yimaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Ciidamada Amniga Deegaanka Dhoobley, kadibna ay ku amreen in uu demiyo Hees uu dhegeysanayay, iyadoo markii uu amarkaas qaatay kadib oo ay raggii ka tageenna uu dib u daaray Heestii Nin kale oo la joogay Ninka la dilay, taasi oo keentay in marxuumka ay ku furaan rasaas uu u geeriyooday.

Dagaalka maanta ka dhacay Deegaanka Dhoobley oo la sheegay in uu ahaa mid aad u culus ayaa wuxuu saameyn ku yeeshay dadkii deegaankaas ku dhaqnaa, kuwaasi oo qaarkood ay ku qaxeen Xadka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, halka kuwo kalena ay ku carareen dhulka Baadiyaha ah.

Xaaladda Deegaanka Dhoobley ayaa haatan waxay tahay mid aad u kacsan, waxaana laga cabsi qabaa in uu dagaalka faraha ka sii baxo, isla markaana uu geysto khasaare ka badan tii uu maanta geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia