Axad, February 24, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya iyo Deegaanka Ceelasha Biyaha oo ah meesha ay u barakaceen inta badan dadka Muqdisho ayaa waxaa xalay iyo saaka ka dhacay qaraxyo ay waxyeello ka soo gaartay dad rayid ah.
Deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa Shineemo ku taala oo lagu daawanayay Ciyaar Kubadda Cagta ah oo ka tirsan Horyaalka Ingiriiska waxaa lagu weeraray Bambo gacmeedyo, kuwaasi oo qaraxii ka dhashay uu ku geeriyooday hal ruux, halka ay ku dhaawacmeen dhowr ruux oo kale.
Weerarkaas ayaa wuxuu daba socday weerarro xiriir ahaa oo dhawaanahan lagu qaadayay Shineemooyinka ku yaala Magaalada Muqdisho iyo deegaannada u dhow, iyadoo weeraradaasina ay keeneen in dhamaanba albaabada loo laabo Shineemooyinkii ku yaalay Magaalada Muqdisho.
Dhanka Magaalada Muqdisho-na labo qarax ayaa saaka waxay ka dhaceen Suuqa Siinaay iyo Suuqa Towfiiq ee degmooyinka Wardhiigley iyo Yaaqshiid, waxayna qaraxyadaas kala ahaayeen kuwo khasaare geystay iyo kuwo aaney cidna wax ku noqon.
Qaraxa ka dhacay Suuqa Towfiiq oo lala beegsaday Ciidamo Itoobiyaan ah oo socod ku marayay Suuqaas ayaa wuxuu geystay dhimashada hal ruux iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah oo ay haleeshay rasaas ay qaraxaas kadib fureen Ciidamadii qaraxa lala beegsaday.
Laakin qaraxa ka dhacay Suuqa Siinaay ayaa lagu soo waramayaa in uusan wax khasaare ah geysan marka laga reebo argagax uu geliyay Dadkii Suuqa ku ganacsanayay, gaar ahaan qeybta Qudaarta lagu iibiyo.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia