Shariif Xasan Shiikh Aadan oo beeniyay in uu ka baxay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya

Axad, February 24, 2008(HOL): Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan ayaa si kulul u beeniyay war ay shalay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta Soomaalida, kaasi oo ahaa in uu Shariif Xasan iska casilay xilkii uu ka hayay Isbaheysigaas sabab la xiriirta khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Guddoomiyaha Isbaheysiga Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Shiikh Shariif iyo Aniga horay isuma khilaafin, hadda kadibna isma khilaafi doonno, warkaasina waa wax kama jiraan”ayuu yiri Shariif Xasan Shiikh  Aadan oo intaas ku daray in warkaas ay baahiyeen dad ujeeddo ka lahaa.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu intaas ku daray in haatan la qorsheynayo in la ballaariyo Isbaheysiga, isla markaana uu waxqabad ballaaran la yimaado, wuxuuna carrabka ku dhuftay in 20-ka bisha soo socota ee Maarso uu Isbaheysiga shir ku yeelan doono Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu dhanka kale ka hadlay dhibaatooyinka ka jira dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in uu aad uga xun yahay dhibaatada ka taagan Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya, kaasi oo noqday meel ay ku dagaalamaan Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda iyo Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliy.

Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaa uu sheegay in ay wax laga xumaado tahay in Ciidamo lagu tilmaamayo kuwo dowladeed ay dhibaato u geystaan shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay hantidooda dhacaan, isagoo dhinaca kalena soo dhaweeyay qorshaha dib u heshiisiinta ah ee ay waddoo Xukuumadda Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde.

Sidoo kalena, Saleebaan Colaad Rooble oo ah Guddoomiyaha Warfaafinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa isna waxba kama jiraan ku tilmaamay warkaas, wuxuuna sheegay in warkaas uu yahay mid la doonayo in lagu jaha wareeriyo Taageerayaasha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

“Gudoomiyaha Golaha dhaxe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Hassan Shiikh Aadan haddii uu xil ama lacag rabo ma uusan ka soo tageen kooxda Mbagathi ee xaruuntoodu tahay magaalada Baydhabo, kuwaas oo dalkooda oo gumaysi haysta sheegta xilal ama darajo aan jirin, Shariif  Hassan waa ninkii lahaa fekerka isbahaysiga haddii uu xil ama dhaqaalo doon yahayna markaas ayuu ku doodi lahaa”ayuu yiri Saleebaan Colaad Rooble oo warbaahinta Soomaaliyeed ugu baaqay in ay baahiyaan warar ay iska xaqiijiyeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia