Ganacsatada Suuqa Bakaaraha oo sheegay in muddo labo todobaad ah aysan Suuqa soo gelin wax Badeecooyin ah

Axad, February 24, 2008(HOL): Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa waxay ka cabanayaan cunaqabateyn ay ku hayaan Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee ku sugan Isgoysyada Howl-Wadaag iyo Aadan Cadde, waxayna sheegeen in uu Suuqa sii nabaad-guurayo.

C/llaahi Muuse oo ka mid ah Ganacsatada Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu sheegay in marka laga soo tago caqabadda ku timid ganacsigii Suuqa Bakaaraha ay xitaa Suuqa soo geli la’ yihiin Gaadiid Badeecooyin u wada oo ku sugan Dekedda Muqdisho iyo qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho.

“Waddooyinkii ay Gaadiidkaas ka soo geli lahaayeen Suuqa waxaa ku sugan Ciidamo aan ogoleyn in ay dadka iyo gaadiidka maraan”ayuu yiri Ganacsade C/llaahi Muuse oo intaas ku daray in haddii ay arrinta sidan sii ahaato uu Suuqa Bakaaraha noqonayo mid lagu kala guuray.

Waxaa kale oo uu sheegay C/llaahi Muuse in xanibaadda ku timid ganacsiga Suuqa Bakaaraha ay keeneyso inay ganacsatada sare u qaadaan badeecooyinka ay iibiyaan, gaar ahaan kuwa ay dadka ugu baahida badan yihiin oo ah Raashinka Quutul-Daruuriga ah.

“Danta ayaa kugu kalifeysa in aad qaali ka dhigto badeecooyinka aad heysto waayo badeecooyinkii kale ee aan iibin lahayn Suuqa ma soo geli karaan, weyna xayiran yihiin”ayuu mar kale yiri C/llaahi Muuse.

Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxaa sii yaraanaya ganacsigiisa, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay dhowr jeer ku dagaalameen Waddooyinka laga soo galo Suuqaas Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda, iyadoo kadibna ay Ciidamadii Dowladda diideen in ay furaan Waddooyinkaas, waxaana xusid mudan in ay ganacsato badan isaga guureen Suuqa Bakaaraha kadib markii ganacsato la deris ahayd dhac loo geystay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia