Madaxweynaha Somaliland oo ka gaabsaday inuu ka warbixiyo socdaal uu ku tegay Imaaraadka Carabta

Axad, 24 February 2008 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa ka  gaabsaday inuu xog-waran ka siiyo Saxaafadda socdaal uu ku tegay Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo looga bartay inuu Saxaafadda u waramo ka hor iyo ka dib-ba socdaallada uu dalka kaga baxo iyo sidoo kale waxyaabaha uu salka ku hayay Socdaalkiisu, ayaan Warbaahinta u waramin. Taas oo badi dadku u qaateen in Madaxweynuhu rumaynayay ballan-qaad uu ka hor intii aanu 17/02/2008-kii kaga amba-bixin dalka uu qaaday. Kaas oo uu ku sheegay in aanu Shir jaraa'id qaban doonin kaa dabadii. "Horta waxa caadada noqotay, marka la baxayana in la sii waramo, marka la soo noqdana in la waramo, horta maanta ayaan ku soo xidhayaa (shirkaa jaraa’id). Wixii dambe war-saxaafadeed uu af-hayeenka Madaxtooyadu keeno ayuunbay noqon doontaa. Waayo caado uma aha Madaxda Adduunka in markasta la waraysto."  ayuu Madaxweyne Rayaale ku yidhi Shirkii  jaraa'id ee u dambeeyay ee uu qabto ka hor intii aanu socdaalkan ugu amba-bixin dalalka Imaaraadka Carabta.

Hase ahaatee, Afheenka Madaxtooyada ayaa sidii uu Madaxweynuhu hore u sheegay, soo saaray Warsaxaafadeed uu kaga hadlayo Ujeedada Safarka Madaxweynaha iyo ciddii uu la kulmay.  Warsaxaafadeedkaa oo dhammaystiranina wuxuu u dhignaa sidan;

"Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo wefdigii uu hogaaminayay ayaa dalka ku soo laabtay , ka dib markii uu u soo dhamaaday socdaalkii ay ku tageen dalka Imaaradka Carabta.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa ku soo dhaweeyay dhabaha diyaaradaha ee cigaal International Airport Madaxweyne ku xigeenka JSL Mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, Wasiiro , Xildhibaano , Saraakiil sare oo ka tirsan xukuumada iyo dadweyne aad u tiro badan. Madaxweynuhu waxa uu salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada Qaranka

Madaxweynuhu isaga oo ka waramaya socdaalkii isaga iyo wefdigiisu ay ku tageen dalka Imaaraadka Carabta Bishan 17-keedii , waxa uu sheegay in socdaalkiisu ku ekaa dalka Imaaraadka Carabta , isaga oo Magaalada Abu Dubai kulan kula yeeshay Madax ka tirsan dawlada Imaaraadka Carabta oo uu hogaaminayo Raysal Wasaare ku xigeenka Dawlada Imaaraadka Sh . Xamdaan Binu Saa’id Al Nahyaan iyo Madax ka tirsan ururka Bisha Cas ee dalka Imaaraadka.

‘’Waxaan ugu Bushaaraynayaa shacbiga Somaliland in safarkayagii uu si fiican u bilaabmay , isla markaana aanu rajaynayno in uu noqdo mid khayr ku dhamaan doona Mustaqbalka soo socda’’ ayuu yidhi Mudane Rayaale.

Madaxweynuhu waxa uu kulankaasi ku tilmaamay kulan qiimo leh oo jawi wanaagsan ku dhamaaday , iyada oo Natiijooyinka ka soo bixi doona safarkayagaasi shacbiga wakhtiga ay ku haboon tahay ay ogaan doonaan.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu sheegay in ay La Kulmeen Jaaliyada Somaliland ee dalka Imaaraadka, si fiicana u soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Wefdigiisa.

Madaxweyne Rayaale Mar uu ka hadlayay Socdaalkii uu ku hakaday dalka Itoobiya Caasimada Addis ababa waxa uu sheegay in uu kulamo kala duwan la yeeshay Madax ka tirsan Ururka AU-da , kana wada hadleen Xaalada Mandaqada Geeska iyo Arrimaha Somaliland.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa wefdigiisa ka mid ahaa Wasiirada Arrimaha Dibada , Hawlaha Guud iyo Madaxtooyada” 

Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland