Dagaal culus oo labo beelood ku dhexmaray Deegaanno hoos-taga Degmada Mustaxiil ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya

Axad, February 24, 2008(HOL): Wararka laga helayo dhulka Ismaamulka Soomaalidda Itoobiya gaar ahaa Deegaanada hoos taga Degmadda Mustaxiil ayaa sheegaya in ay jiraan Dagaalo halkaa ku dhax-maraya Maleeshiyadda labo Beelood oo dhawaan ku dagaalamay Deegaanka Baar-magoog oo ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan xadka Gobalka Hiiraan.
 
Dagaalka labada dhinac oo ah mid aad u culus ayaa si goos goos ah uga dhacaya dhulka Miiga ah  oo ay ku wadda dhaqan yihiin Xoola dhaqatadda labadda Beeelood, waxaana wararku intaa ku darayaan in dagaalkii ugu danbeeyay ee dhacay ay ku dhinteen inta la og-yahay ilaa 5 ruux oo ka wadda tirsan dhinacyadda dagaalamaya.
 
Isbitaalka Guud ee Magaaladda B/weyne ayaa sidda ay HOL u xaqiijiyeen qaar ka mid ah dhaqaatiirta ka howl-gasha waxaa la soo gaarsiiyay sacadihii ina dhaafay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dirirta labadda Beelood kuwaa oo dhamaatood ah ah xoola dhaqato aan wax shaqo ah ku laheyn dagaalka.
 
Ilaa hadda majiro dadaal la doonayo in lagu qabaajiyo dagaalka labadda beelood oo ay wadaan Odayaasha iyo dhinaca Sarkiisha Itoobiya, lakiin wararka qaar ayaa sheegaya in Saraakiisha Itoobiyaaku ka dalbadeen dhinaca Odayaasha Beelaha Dagaalamaya in ay arinta soo fara galiyaan.
 
Labada Beelood ee dagaalku u dhaxeeyo ayaa sidan oo kale dhowr jeer hore dagaal ku dhax-maray Deegaanka Baar-magoog kaa oo markii danbe hishiis laga gaaray kadib markii kulan ay soo qaban qaabiyeen Saraakiisha Ciidamadda Itoobiya iyo Siyaasiyiinta labadda leysku af-gartay in colaada la joojiyo, balse dagaalkan mar kale soo cusboonaaday ayaa meesha ka saaray hishiiskii horay loo gaaray.
 
Mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka Beelaha dagaalamaya ayaa ku eedeeyaya dhinca ee ka soo hojeedda in ay iyaggu ka mas'uul yihiin dagaalkan danbe ee dhacay inkastoo hadana eedeyntaasi tahay mid hal dhinac ah oo markiiba aan la rumeysan karin.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia