Axad, 24 February 2008 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Miyiga iyo Deegaanka Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa Qiray in mudooyinkii ugu danbeeyay Sadex kooxood oo Ugaadhsato Carbeed ahi ay dalka yimaadeen. Islamarkaana waxa uu ku dooday inaan kooxahaasi Ugaasigoodu ku ekaa mudada ay joogaan waxay Cunayaan.
Mudane Fu’aadan Cade waxa uu sheegay in Toban Ugaadhsade oo uu ku tilmaamay inay markii hore dalka sharci daro ku soo galeen loo ogolaaday in ay Goobo cayiman ka ugaadhsadaan, balse markii danbe ee ay xadgudbeen ayuu yidhi ayaanu dalka ka saaray.
Waxaana uu sidaa ku sheegay Wasiirka Deegaanku, Waraysi uu Wargeyska Ogaal xalay khadka Telefoonka kula yeeshay. Waraysigaas oo dhamaystiranina waxa uu u dhacay sidan: -
S: Wasiir, waxaad nooga warantaa nimanka Carbeed ee aad ruqsada u siiseen Ugaadhsiga, ee hadana laga joojiyay iyo waxyaabaha sababta u ah?
J: Horta sharci baa dalku leeyaha, sharcigaasina waxa weeye ninka Ugaadhsadaha ahi inta aanu iman ee uu dalkiisa joogo, inuu Wasaaradda horumarinta Miyiga iyo Deegaanka iyo Xukuumadda ruqsad ka qaato, haduu iska soo dego waa dambiile. Nimankani iyaga oo aan wax fasax ah oo ay naga qaateen jirin guud ahaanba ayay soo dageen iyaga oo badan, toban shimbirood wata oo Toban nin ah. Ka dibna Berbera ayaan la hadlay, waxa lay sheegay inay magaalada yimaadeen niman wata gaadhi. Dabadeedna dee waad garanaysaa Somaliland rag baa yidhi annagu waxaanu rabnaa xagga Bulaxaar, sharciga yaalana waxa weeye, haddii qolo (ugaadhsato) meel tagto oo ay ka horayso hadday wax qabtaan kuwo kale inay ka daba tagaan ma ogolin, annaga oo deegaanka dhawrayna. Sababtu waxa weeye haddii meesha cagtu ku badato, gaadiidku ku badato, ugaadha cusub ee hadda inoo soo gashay meesha way ka cararaysaa, shimbirihiina waa guurayaan. Dabadeedna, sharci baanu soo saarnay ah meesha qolo tagto qolo kale ma tegi karto. Si kastaba ha ahaatee, odayaal waday oo reer Berbera ah ayaa yiri “War xagan Galbeedka.” Waxaan idhi, waa la joogaa, ka dibna waxay keliftay 35km in aan idhaahdo ha dhaafina. Maalintii ku xigtayna waxaan ka war-helay inay 170km socdeen. Dabadeedna ciidan baan u diray iyo Laba Sarkaal oo Wasaarada ah, waana la soo kexeeyay. Ka dibna shalay bay tageen. Marka Laba shardi baa jabay. Ka koowaad iyaga oo aan fasax sidan bay yimaadeen. Laba: meeshii aanu u cayinay way ka tageen oo meel qolo hore joogtay ayay tageen. Midda kale markay yimaadaan su’aal baanu waydiinaa, taasoo ah Maxaad dadkan u qabanaysaan? Ugaadhaa yar ee iminka uun timi iyo shimbirahan yar yar ee aan guurin sida Idahana mar wada dhala hadaad tidhaahdaan waa ugaadhsanaynaa dalka, dadka iyo deegaanka maxaad u qabanaysaan, wax alla iyo waxay la yimaadeen ma jirto. Annana maanta nin inta uu meel ka yimaado aan waxba na tarayn ee waxayagii yaraa iyo ugaadha hadda noo soo noqotay iyo shimbirahayaga iska cunaya ma ogolin. Markaa intaasaa dhacday, way iska tageen wax dhibaato ah oo gaadhayna ma jirto.
S: Ma qolo hore oo ugaadhsato ah oo Ajnabi ah ayaa xagan Bulaxaar sii joogtay?
J: Qolo hore ayaa sii joogtay, waxa wadatay dhalinyaro meeshaa u dhashay oo Somaliland u dhashay, reer Abu Dubai-na ah. Dabadeedna iyagu intaanay iman bay fasax naga qaateen, markay yimaadeen ee aanu nidhi maxaad dadka u qabanaysaan? Si fiican bay uga jawaabeen, waxay tageen meesha la yidhaahdo Xagal Guri martiyeed ayay ka dhisteen, Bulaxaar bay tageen Lix Malcaamadood bay u dhiseen, Ceel Sheekh bay tageen Ceel bay ka qodeen, Toban nin oo reer Miyi ah ayay Sanad walba Xajka u dirayaan, Sheekh-na Guri bay ka dhisanayaan, Annagana Guri bay Berbera nooga samaynayaan, Mishiino aanu Geedka garan-waaga ah ee dhulkii qabsaday kula dagaalanana way noo keeneen, waa niman garanaya shimbirtu markay dhalayso inay xaaraan ka tahay. Waa niman aan dilayn Deerada, Saddexdii maalmoodna mid baa loo ogol yahay, Deeradaas loo ogol yahayna maaha Dhedig ee waa Lab. Waayo, sida Orgida mid baa wuxuu ku filan yahay inuu nin u noqdo. Shimbiraha Labadii maalmood mid baanu u ogolahay. Nin yaqaan baa la socda oo hadday dhalayso waa la sii daynayaa, markaa niman sharcigii ku taagan, dadkii wax u qabanaya, qabiilna aan ahayn ee niman yar yar ah oo kuligood halkan ku wada dhashay oo innaga inaga socda, oo geel bay ku leeyihiin Abu Dubai oo ugu dhaqan. Nimankaas ayaa jooga waxyar bay joogeen dabadeedna way noqdeen, waanay soo noqonayaan iyaga oo waxqabad samaynaya. Haddii meeshii maalin walba la tagana waa nabaad-guuraysaa, deegaankiina waa baaba’ayaa oo baabuur bay wataan.
Jaraa’idka qaar baa qoray reer Boqor baa lala heshiiyay, qolodanaaba uga dhawaydee wax reer Boqor ah oo lala heshiiyay oo sharci gaar ah loo sameeyaa ma jirto.
S: Ka Wasaarad ahaan Ugaadha ama Shimbiraha intee in le’eg baad u ogoshihiin nimankaasi inay dalka kala bixi karaan?
J: Jiirka ma taqaanaa, Jiir lalama bixi karo, iska daa ugaadh kale’oo.
S: Markaa ujeedada ugu wayn ma in yar oo ay lafahooda u cunaan ayay doonayaan baad ku doodaysaa?
J: Inay Shimbirahoodan iyo waxoodan cunaan oo magaaladiibaa laga soo cararoo, miyigaa la joogo oo dab la shito weeye ujeedada ugu wayni. Boolis baa la socda, Wasaaradayadaa la socota, kuwaasi hadday khalad sameeyaana, sharci baa ka yaala, oo intii lagu amray hadday dhaafaan kuweena innaga inoo shaqeeya ayay gef ku tahay.
S: Guryahan iyo xafiisyada ay samaynayaan ma intaa yar ee ay cunayaan darteed ayay u fulinayaan Wasiir?
J: Haa. Waxay doonayaan inay dagaan dalka oo Beero ka sameeyaan, oo waxay ka heleen jawiga, waxay ka heleen dadka. Laakiin, waa mamnuuc, oo hilib kama qaadan karaan, ugaadh aynu leenahayna lama qaadan karo, haddii la qaatana waa Tuugo iyo Kootarabaan.
S: Nimankan aad dalka dib uga celiseen ee shimbiraha watay, markii horena aad sheegtay inay sharci-daro ku soo galeen ma wax ganaax ah ayaad saarteen, hadaad saarteena waa intee in le’eg?
J: Haa. Markay yimaadeen, sharci daro ayay ku soo galeen, 24 saacadood iyaga oo joogaan u goynay. Waxa weeye in Saacadii midkii laga qaado $5. laakiin, waad inaga taqaanaa niman baa waday. Ka dibna waxa la yidhi $2.
S: Markaa tan aad ugu fasaxdeen Dhowr iyo Soddonka Kiiloo mitir markii dambe imisaad ka qaadayseen maalintii?
J: Shilin lagama qaadin.
S: Muddooyinkii u dambeeyay arrintani way soo noqnoqotay qolyahan doonayay ugaadha sida aad sheegtay i imisa kooxood weeye?
J: Ilaa hadda waxa yimi Saddex kooxood.
S: Kuwan aad erideen mooyaane hadda labadii kale ma mid baa ku sugan dalka?
J: Hadda midina kuma sugna.
S: Ma qolaa soo noqonaysa?
J: Haa qolaa soo noqonaysa, qoladaa balanka qaaday. Qolada kale Toban cisho ayay joogeen, oo waxaanu u dirnay dhinacaa Buuhoodle iyo deeganadaa ku xeeran, iyagu qudhoodu waxay bay tareen, oo lacag bay bixiyeen, dadna dhakhtar bay geeyeen. Markaa shacabkay wax u qabteen oo aan wax muuqda raad reebaya ahayn.
S: Wasiir hore waxa u jirtay in sanadihii Alle ha u naxariistee Marxuum Cigaal uu joogay, waxa jirtay qolo ugaadhsato ah oo ka socotay dalka Qadar, kuwaasoo ugaadh badan qaatay, isla-markaana uu sheegay inuu waxoogaa hadyad ah la siiyay, markaa hadalkaagan iminka miyaan loo qaadan Karin kii wakhtigaas uun?
J: Wakhtigii Cigaal joogay, anigu Mucaarad baan ahaa oo raggii ku qaylinayay baan ahaa, Madaxweynuhu wuu fasixi karaa wax hadyad ah. Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenku dalka iyagaa xukuma, oo aniga markay amar I siiyaan ee ay yidhaahdaan Laba Deero bixi waa amarkooda in aan qaato oo bixiyo. Laakiin, nama soo marin. Nimanka noo imanayaana waxay ku egyihiin Saddexdii maalmood xabad Deero ah. Labada maalmood ee kalena xabad Shimbir ah. Markaa sidaasaan u ilaalinaa. Wixii aan Madaxweynaha, Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Wasiirku ogayna waa xaaraan iyo Kootarabaan. Waxayagiina in meel kale lagu beero annaga ayaan ogolayn
S: Laakiin Wasiir haddii heshiis lala galo shirkado caalamiya in laga iibiyo ugaadha oo la dhoofiyo ka waran iyada?
J: Markay tartanto ee ay meel gaadho, iyada lafteeda oo la qorsheeyo, waxa jira qaar aan la taaban Karin, cidina fasixi Karin oo waxa ka mid ah Dameer Dibadeedka, Digaaga, Cawsha, oo iminka qofka Cawl ama Gorayo dilaa waa qof Toban nin dilay oo waa xaaraan haba yaraatee.Garanuugtuna waa la mid. Oo Deeradii badnayd baanu Saddexdii maalmood mid fasaxnay, oo ninka ugu badani Toban maalmood ayuu joogaa, Saddex Deero oo Lab ah wax ka badan cid cuni kartaa ma jirto, waa lakala yaqanaa oo way kala wayn yihiin. Markaa Adeer laga hadli maayo wax la qaatay oo waa Kootarabaan.
Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland