MARYAN AWREEYE: “Waxaan ka codsaneynaa Caalamka in Maxkamad Cadaalad ah la soo taago Dadka Dembiyada ka geystay Dalka Soomaaliya iyo kuwa weli gacmaha kula jira”


Axad, February 24, 2008(HOL): Drs. Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo ka mid ah Guddoonka Xarunta Dr. Ismaaciil Jimcaale ee Xuquuqda Aadanaha ayaa waxay ka codsatay Beesha Caalamka in maxkamad la soo taago dadka dembiyada dagaal ka galay Soomaaliya iyo kuwa weli gacanta kula jira dembiyada Dagaalka.

“Waxaan ka codsaneynaa Caalamka in  Maxkamad Cadaalad ah la soo taago Dadka Dembiyada ka geystay Dalka Soomaaliya iyo kuwa weli gacmaha kula jira”ayay tiri Drs. Maryan Xuseen Awreeye.

Drs. Maryan Xuseen Awreeye waxay sheegtay in aaney caqli-gal ahayn in la iska sii eegto xad-gudubyada damiiriga ah ee dalka Soomaaliya ka dhacaya, waxayna carrabka ku dhufatay in ay lagama maarmaan tahay in maxkamad la soo taago dadka dembiyadaas geysanaya, “Si ay dadka Soomaaliyeed Nabadgelyo u helaan waxaan ka codsaneynaa Caalamka inay Maxkamad soo taagaan Dadka dusha u ritay mas’uuliyadda dhibaatooyinka ka dhacaya Dalka Soomaaliya”ayay tiri Maryan Awreeye.

Drs. Maryan Xuseen Maxamed Awreeye oo saaka ka hadleysay xaflad looga dhawaaqayay Hay’ad Samafal oo loogu magac daray Alle ha u naxariistee Madiino Maxamuud Cilmi (Madiino Janaraal) oo 16-kii November 2007 Muqdisho ku geeriyootay ayaa waxay intaas ku dartay in aysan mudneyn in la soo dhaweeyo oo kuraas loo dhigo sida ay u tiri kuwa dembiyada dagaal ka galay Dalka Soomaaliya, iyadoo xustay in ay kuwaaasi mudan yihiin in sharciga la horkeeno isla markaana abaalkooda la marsiiyo.

Hadalka ay sii deysay Drs. Maryan Xuseen Maxamed Awreeye ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmedou Abdalla uu sheegay in Soomaali badan oo ku sugan dalka Soomaaliya gudahiisa iyo dibaddiisa ay culeys ku saarayaan sidii wax looga qaban lahaa dembiyada dagaal ee ka dhaca dalka Soomaaliya, isla markaana dadka ay ku cadaato in ay dembiyo geysteen Maxkamad loo soo taagi lahaa.

Dalka Soomaaliya ayaa muddo 17 sano ah wuxuu weli ku dhex jiraa xaalad jaantaa-rogan ah oo ay isku dayeyso inay taliso cid kasta oo hub heysata, waxayna taasi keentay in ay dadka Soomaaliyeed dhamaantood u hanqal taagaan xukunka ugu sareeya ee dalka, tiiyoo dalka xukunkiisa loo tartamayo uu yahay mid baaba’ay oo ay lumeen dhamaan adeegyada aas-aasiga ah ee ay u baahan yihiin dadka ku nool.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia