Dagaal iyo duqeyn ka dhacday Muqdisho

Talaado, December 30, 2008(HOL): Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka dhacay dagaal iyo duqeyn u dhaxeysay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa shisheeye oo isku dhinac ah iyo xoogag hubeysan oo ka soo horjeeday.

Duqeynta oo inteeda badan loo geystay Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn ee Soomaaliya ayaa waxay timid kadib markii ay xoogag hubeysan weerar ku qaadeen fariisimo ay Ciidamada Dowladda Federaalka ku leeyihiin Xaafadaha Tareebuunka iyo Taleex ee Degmada Hodan, iyadoo kadibna ay ciidamada dowladda hiillo ka heleen Ciidamada shisheeye ee nawaaxigaas fariisimaha ku leh.

Duqeynta loo geystay Suuqa Bakaaraha ayaa waxay sababtay dhimashada 7 ruux iyo dhaawac intaas ka sii badan, waxaana dadkaas ku habsaday madfac iyagoo maqaayad ku jiray. Sidoo kale madfac ku dhacay guri ku yaal Degmada Hodan ayaa wuxuu geystay dhimashada labo ruux oo rayid ah.

Shalay ayay ahayd markii xaafado ka tirsan Degmooyinka Howl-wadaag iyo Hodan, gaar ahaan qeybaha Suuqa Bakaaraha ay madaafiic ku dhaceen, kuwaasi oo iyana geystay khasare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Duqeyntaas waxay timid kadib markii xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Shisheeye ay madaafiic ku weerareen Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia