Talaado, December 30, 2008(HOL): Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya, ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa magaalada Baydhabo wuxuu ka wadaa kulamo uu la leeyahay mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa kulamada uu la leeyahay Xildhibaanada Baarlamaanka waxaa lagu fasiray kuwo wadatashi ah oo looga arinsanayo sida muddo 30 cisho gudahood ah madaxweyne loogu soo dooran karo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sii hayaha Xilka Madaxweynenimada Soomaaliya oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in uu daneynayo in inta aanu Baarlamaanka dooran madaxweyne marka hore laga shaqeeyo sidii loo ballaarin lahaa Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana loogu soo dari lahaa mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo buu yiri la dhaqan-gelinayo heshiiskii Jibouti oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran.
Shiikh Aadan Madoobe ayaa xilka Madaxweynenimada Soomaaliya sii heyn doona muddo 30 cisho ah oo la doonayo in gudaheeda lagu soo doorto Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna xilkaas qabtay kadib is-casilaad uu shalay Baarlamaanka Soomaaliya ka hor sameeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia