Dhaq dhaqaaq Miletari oo ka jira qeybo ka mid ah wadada isku xirta Goballada Hiiraan iyo Galgaduud

Talaado, December 30, 2008(HOL): Saacadihii aynu soo dhaafnay Ciidamada Militariga Itoobiya waxaa ay dhaq dhaqaaq aan wali horay loo arag ka wadeen qeybo ka mid ah wadada isku xirta Goballada dhexe gaar ahaan inta u dhaxeysa Goballada Hiiraan iyo Gal-gaduud.
 
Ciidamadii Itoobiya ee maalintii shalay gaaray deegaanka Kala-beyr ee Goballka Hiiraan ayeey wararku sheegayaan in qaarkood ay u ruqaasadeen dhinaca wadada gasha Degmada Matabaan ee Goballka Hiiraan, laakiin rasmi ahaan looma oga  in Ciidamadaasi gudaha u gali doonaan Degmada iyo in kale.
 
Waxaa sidoo kale iyana xusid mudan in ay jiraan warar sheegaya  Ciidamo Itoobiyaan ah oo ka soo anba baxay dhinaca Goballka Gal-gaduud u soo jaheystay wadada soo aada Degmada Matabaan oo tan iyo markii ay dhaceen dagaalladii ugu danbeeyay ee Goballka Gal-gaduud xarun u noqotay mid ka mid ah garabyada isku haya Goballka.
 
Lama oga in Ciidamada Itoobiyaaku doonayaa in ay weeraraan iyo in kale kooxaha fariisinka ka dhigtay Degamada Matabaan, hase ahaatee durbaba waxaa ay wararku sheegayaan in dadka ku dhaqan deegaannada ku teedsan wadada dheer ee Goballada Dhaxe bilaabeen in ay ka fogaadaan goobaha ay ka dhaw yihiin Ciidamada iska soo horjeeda si aysan waxyeello uga soo gaaran haddiiba ay dhacdo dirirr dhaxmarta dhinacyada is haya.
 
Dhinaca kale Ciidamada Maamulka Islaamiga ah ee ka jira Goballka Hiiraan ayaa u dhaqaaqay halka la sheegay in ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya, waxaana wararku intaas ku darayaan in Ciidamada Maamulka Islaamigu ku sugan yihiin deegaanka lagu magacaabo Ilka-cado oo masaafo yar u jirta Kala-beyr.
 
Dhaq dhaqaaqa Ciidan ee ka taagan wadada isku xirta Gobolka Hiiraan iyo Gobolka Galgaduud waxaa ay qeyb ka yihiin sida muuqta dagaallada ka dhacaya Degmooyin ka tirsan Goballka Gal-gaduud, waxaana muuqaneysa in Ciidamada Itoobiyaaku gacan siinayaan garab ka mid ah dhinacyada isku haya Goballada dhexe.
 
Sidoo kale waxaa iyana soo baxaya baaqyo is-daba joog ah oo loo jeedinayo dhinacyada ku lugta leh dagaalada Goballka Gal-gaduud, waxaana ay dhamaan baaqyadaasi codsanayaan in loo turo shacabka dagaallada ka daalay ee la yaabo in qaarkood ay horay uga soo barakaceen dagaallada aan dhamaadka laheyn ee ka jira Magaalada Muqdisho.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia