Talaado, December 30, 2008(HOL): Inkastoo la saaray cadaadis aan wali mid la mid ah horay loo arag hadana waxaa hubaal ah in Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu qaatay tallaabo marka dhinac laga eego la oran karo waa mid taariikhi ah mar haddii uu Xubnaha golaha Baarlamaanka Federaalka hortooda kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Madaxweynaha Dowladda Federaalka.
Waxaana uu sheegay in sababta uu taas u yeelay tahay Dowladdiisa oo ku fashilantay wax ka qabashada amuuro dhowr ah oo loo baahnaa in la hergaliyo, sidaa daraadeed isagoo tixraacaya balan-qaadkii uu sameeyay 14-10-2004 uu ku soo celiyay Baarlmaanka xilkii uu hayay.
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waa uu ka tagay Dowladda Federaalka hase ahaatee waxaa isweydiin mudan "Maxaa Isbadali kara mar haddii uu shaqada isaga tagay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.
Dabcan Jawaabtu ma'aha mid markiiba la haleeli karo laakiin marka la fiiriyo xaaladaha hada jira waxaa soo baxeya qiyaas kooban oo laga tixraaci karo sida wax isku badali kara Biliha iyo Sanadaha ina soo aadan.
Dhinaca Siyaasada waxaa la filan karaa is-badal xowli sare ku socda waxaana ka faa'ideysan kara is-casilaada C/llaahi Yuusuf Axmed mas'uuliyiinta Isbaheysiga dib u xoreynta dalka garabka Jabouti oo markii hore u arkayay C/llaahi Yuusuf in uu yahay shaqsiga kaliya ee hortaagan horumar laga sameeyo dib u heshiisiinta socta iyo waliba la dhiso Dowlad-Midnimo-Qaran.
Sidoo kale waxaa laga yaabaa in la soo dadajiyo dhismaha nidaam ay kuwada jiraan Dowladda hadda jirta iyo waliba Xubanaha mucaaradka oo qeyb ka ah heshiiskii lagu gaaray Dalka Jabouti, waayo Ra'iisal Waasre Nuur Cadde waxaa uu horay u sheegay in hiergalinta qodobadaasi aysan ku xirneyn xitaa in xiligeeda ay dhameysato Dowladda hadda jira, waxaana xusid mudan in dhawaan Baarlamaanka Federaalku ansixiyay qodobada hishiiska.
Madaxweynaha xilka iska casilay C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa uu horay u sheegay in qodobada qaar heshiiska Jabouti lagu gaaray lagu tilmaami karo in ay yihiin kuwo wax af-duubaya sida Baarlamaanka ka kooban 550-ka Xubnood iyo waliba in wax walba hoos laga soo bilaabo isaga oo Madaxweynuhu xilgaas qabay tuhunka ah in cida loo socdaa isaga tahay, waxaadna mooddaa in hadda fursadaasi banaan tahay oo markiiba la dhaqaajin karo dhismaha nidaam laga wada dhax muuqdo.
Dhinac Nabad-galyada is casilaada C/llaahi Yuusuf Axmed waxaa ay dadajin kartaa in sida ugu dhaqsiha badan dalka uga baxaan Ciidamada Itoobiya walow Dowladda Itoobiya mar horeba sheegtay in ay Ciidamadeeda kala baxeyso dalka Soomaaliya, waayo mar la eego mas'uuliyiinta sar sare ee Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf waxaa uu ahaa shaqsiga kaliya ee sida weyn u aaminsanaa sii joogitaanka Ciidamada Itoobiya oo haddii ay dalka ka baxaan ammaanku faraha ka sii baxayo.
Laakiin haddii ay taas dhacdo oo ay Ciidamada Itoobiyaanku ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya rajadu ma'aha mid 100% ah waayo waxaa ka jira gadaha dalka xoogag Siyaasad ahaa is diidan isla markaana hubeysan haba ugu darnaadeen kooxo Diimeedka dalka ka jira, Tusaale ahaan kooxda Al-shabaab oo gacanta ku heysa inta badan Koofurta dalka Soomaaliya ma aaminsana heshiiska lagu gaaray dalka Jabouti, waxaana iyaguna jira garabyo kale oo ka tirsnaa Maxkamadaha oo iyaguna u arka is-gaashaan buursiga Dowladda iyo garabka uu hogaamiyo Shiikh Shariif mid aan socon doonin, waana tan keeni karta shakiga ugu badan marka laga hadlayo dhinaca Nabad-galyada.
C/llaahi Yuusuf Axmed inkastoo uu ka tagay Magaalada Baydhabo hadana waxaa leys wadiin karaa" Ma waxuu noqon doonaa Oday Soomaaliyeed oo si toos ah uga faraxashay Siyaasada Soomaaliya,"" Mise si gaar ah ayuu isha ugu heyn doonaa dhaq dhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka jira qeybaha dalku ka kooban yahay gaar ahaan Koonfurta.
Haddii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf u ekaado Oday Soomaaliyeed oo mar Madaxweyne ka noqday dalka Soomaaliya isla markaana Siyaasadaha jira ka wajaho dhinaca samaha saadaashu waa mid qurux badan, balse dadka qaarkii waxaa ay qabaan in C/llaahi Yuusuf Axmed iyo dhinaca Puntland wax badan iska badali karaan maxaa yeelay dadka Siyaadaha rog roga waxaa ay saadaalinayaan in lagaba yaabo in Puntland laftirkeeda ku dhawaaqdo goosasho sida Soomaaliand oo kale iyagoo u arka Koonfurta iyo Nidaam kasta oo ka hana qaada mid aan waxba soo kor dhin karin.
Si kastaba arrintu ha ahaatee xaaladda dalka Soomaaliya waa mid gashay waji cusub iyo marxlad wax badan ka duwan sidii ay aheyd 4-tii sano ee la soo dhaafay, gaar ahaan dhinaca Beesha Caalamka oo ah mida sida weyn xoogga u saareysa in uu meesha ka baxo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waxaana looga fadhiyaan tallaabada ay qaadaan mar haddii uu shaqada ka tagay shaqsi aysan si weyn u jecleysan ka sii mid ahaan shihiisa Dowladda Fededaalka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyn, Somalia