Talaado, December 30, 2008(HOL): Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ayaa wuxuu ka waramay Dagaallo maalmihii aynu ka soo gudubnay ka socday Deegaanno ka tirsan Gobolka Galgaduud, kuwaasi oo la sheegayay in ay u dhaxeeyaan Xoogag kala taabacsan dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab iyo Dariiqada Ahlu Sunna Waljamaaca.
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishoa yaa wuxuu sheegay in dagaalladaas ay u dhaxeeyaan sida uu u yiri Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Jabhad ay soo hubeysay Dowladda Itoobiya, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay dagaalladaas u dhaxeeyaa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Wal-jamaaca.
“Dagaalkaas waxaa wadda Dowladda Itoobiya oo markii ay ku fashilantay Soomaaliya hadda dooneysa in ay Jabhado soo hubeyso, waxaana xaqiiqadeena heynaa in ay dooneyso in ay seddex jiho ka soo hubeysay Jabhado iyada taabacsan, waxayna kala yihiin Galgaduud iyo Hiiraan, Bay iyo Bakool iyo Gedo”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.
Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay dalka Soomaaliya ka xoreynayaan Ciidamada Itoobiya iyo cid kasta oo ay soo abaabusho, wuxuuna caddeeyay in haatanba ay dareemayaan in ay ka guuleysteen Ciidamada Itoobiya.
Waxaa uu sheegay Afhayeenka Al-Shabaab in ay dagaallada sii wadi doonaan xitaa haddii ay Ciidamada Itoobiyaanka baxaan, “Ujeedada aan u dagaallameyno waa ay ka weyn tahay in aan kaliya dalka ka xoreyno Ciidamada Itoobiya, waxaana dooneynaa in aan suurtagelinno in dalka Soomaaliya lagu xukumo Kitaabka Alle”ayuu mar kale yiri Abuu Mansuur oo digniin u diray in dad uu sheegay in ay ka soo horjeedaan dagaallada ay wadaan, kuwaasi oo uu sheegay in ay ka hadleen qaar ka mid ah Masjidyada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia