Talaado, December 30, 2008(HOL): Is-casilaaddii uu shalay sameeyay Madaxweynihii Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxaa si weyn u soo dhaweysay Dowladad Mareykanka.
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadad Mareykanka ayaa lagu sheegay in is-casilaaddii uu sameeyay Madaxweyne Yuusuf ay ahayd mid mudan in la soo dhaweeyo, waxaana qoraalkaas lagu xusay in madaxweyne Yuusuf uu ka shaqeeyay intii uu madaxweynaha ahaa ammaanka iyo soo celinta qarannimadii Soomaaliya.
Afhaeyen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Gordon Duguid, ayaa sheegay in ay ugu baaqayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya in ay meel-mariyaan heshiiskii ay ku gaareen Jibouti, kaasi oo ay qodobadiisa ka mid ahaayeen in la dhiso dowlad-midnimo-qaran
Wuxuu sheegay Afhayeenkan u hadlay Dowladda Mareykanka in ay ugu deeqayaan lacag dhan 5 Milyan oo Doollar dib u qaabeynta ciidamo isku dhaf ah oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka qeyb-qaadan doona sugidda ammaanka Soomaaliya.
Sidoo kalena wuxuu sheegay Gordon Duguid in ay taageerayaan xoojinta Ciidamada Amisom ee howlgallada nabad-ilaalinta ah u jooga Soomaaliya, sidoo kalena ay taageeri doonaan haddii Ciidamo ka socda UN-ka loo diro Soomaaliya.
Dhanka kalena, Is-casilaaddii Madaxweyne Yuusuf waxaa soo dhaweeyay Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarmada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah, Guddoomiyaha Guddiga Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika Ramtane Lamamra, iyo Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya Breket Simon, waxayna intuba sheegeen in is-casilaaddii madaxweyne Yuusuf ay ahayd mid wadaninimo ay ku dheehneyd, isla markaana ay ahayd go’aan gubaabin ah, waxayna sheegeen in bog cusub ootaariikhi ah uu hadda u furmay Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia