Talaado, December 30, 2008(HOL): Ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan ayaa maanta waxay la wareegeen guriga Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere).
Ciidamada ayaa markii ay halkaas tageen waxay la wareegeen oo ay gacanta ku dhigeen hub yaalay guriga Guddoomiyihii hore, iyadoo xiligaasna uu guriga ka maqnaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Dheere.
Lama oga ilaa iyo haatan sababta ay Ciidamada Itoobiyaanka u tageen Guriga Guddoomiyihii hore, waxaase jira warar sheegaya in la doonayo in gurigaas uu dego Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Maxamed Cusmaan Cali Dhagaxtuur.
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa wuxuu saaxib dhow la ahaa Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo shalay is-casilay, waxaana la xusuustaa in xil-ka-qaadis uu Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde ku sameeyay Maxamed Dheere ay keentay in ay is-khilaafaan Madaxweyne Yuusuf iyo Ra’iisal Wasaare Nuur Cadde, ilaa ugu dambeyntii ay xaaladda Dowladda Federaalka Soomaaliya gaartay halka ay maanta taagan tahay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia