Talaado, December 30, 2008(HOL): Qaar ka mid ah Musharaxiinta u tar tamaysa doorashada Puntland ayaa walaac xoogan ka muujiyaya is-casilaada uu is casilay madaxwaynihii hore ee TFGga C/laahi Yuusuf axmed, isagoo maalintii shalay ahayd ka soo dagay garoonka diyaaradaha magaalada Garowe ee Konoco.
Inkastoo C/laahi Yuusuf si isku wada mid ah loogu soo dhaweeyay magaalada Garowe ayaa hadana waxaa jira warar la isla dhax marayo, kuwaasi oo sheegay in C/laahi Yuusuf laga yaabo in uu ka qayb galo doorashada lagu wado in sanadka cusub ay ka dhacdo gudaha Puntland.
Inka badan 10 Musharax oo ku shiray magaalada Garowe ayaa la aamin sanyahay in ay quuddaraynayeen iscasilaadda C/laahi Yuusuf iyo imaanshihiisa magaalada Garowe, waxaana arintani ay soo if baxday kadib markii uu xilkiisi ku wareejiyay guddoomiyaha Baarlamanka Shiikh Aadan Madoobe.
C/llaahi Yuusuf Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya ayaa saxaafada Puntland u sheegay in wixii hadda ka danbeeya uu yahay oday Soomaaliyeed, isla markaana waxa laga waydiin karo danaha Umada Somaaliyeed, isagoo ka gaabsaday su’aal ahayd in uu ka fariisanayo siyaasadda Somalia.
Marka laga soo tago Is-csilaada C/laahi Yuusuf waxaa jira su,aalo badan oo ay is-waydiinayaan Shacabka Puntland ,taasi oo ku aadan In C/llaahi Yuusuf uu isaga hari doono siyaasadda iyo in uu noqon doono musharax ka mid ah musharaxiinta madaxweynenimada Puntland.
Faysal Maxamed Xasan(Boston), Hiiraan Online
[email protected]
Bosaaso, Somalia