Gaari Ural ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qarxiyay Wadada Makka Al-Mukarama

Arbaco, April 09, 2008(HOL): Gaari Ural ah oo ay la socdeen Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa maanta lagu qarxiyay Wadada Makka Al-Mukarama, gaar ahaan nawaaxiga Shineemo Soomaaliya.

Qaraxa lala eegtay Ciidamadan oo ahaa mid loo adeegsaday Miinada Dhulka aaso ee meelaha fog laga hago ayaa wuxuu waxyeello xooggan u geystay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa iyo Gaarigii Uralka ahaa ee ay la socdeen.

Goob-jooge ka dhawaa halka uu qaraxa ka dhacay ayaa wuxuu sheegay in uu arkay burburka gaarigii Ural-ka ahaa oo Wadada dhex yaala, iyadoo ciidamadii saarnaana ay ku geeriyoodeen qaraxa gaariga qabsaday, wuxuuna goob-joogaha intaas ku daray in ay daqiiqado kadib qaraxaas ay goobta tageen Ciidamo Itoobiyaan ah oo watay Wiish ay ku jiiteen gaarigii uu qaraxa burburiyay.

Dhanka kalena, Ciidamo ka tirsan kuwa Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxay ka badbaadeen qarax lala beegsaday oo ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, iyadoo qaraxaasina uu ahaa mid loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago.

Qaraxyadan maanta lala beegsaday Ciidamada Itoobiyaanka iyo Ciidamada Amisom  ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalintii shalay ahayd qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari waxyaabo qarxa lala beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Burundi ee magaca Amisom kaga howlgelaya Magaalada Muqdisho, kaasi oo ku yaala Xarunta Jaamacaddii Umadda Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia