Arbaco, April 09, 2008(HOL): Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa wuxuu shaaca ka qaaday waxa uu ku saabsan yahay socdaalka ay Xubno ka tirsan Golahaas ku joogaan Dalka Jabuuti.
Afhayeenka Siyaasadda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye C/llaahi Xasan Abuukar (C/llaahi Dheere) ayaa sheegay in socdaalka ay ku joogaan dalka Jabuuti uu la xiriiro Dib-u-heshisiiin ay Beesha Caalamka ka dhex waddo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
C/llaahi Dheere waxaa uu sheegay in socdaalkooda uusan ka marneyn dhexdhexaadin ay ka dhex sameeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ay Ra’iisal Wasaaraheeda Muqdisho kula kulmeen, halka uu sheegay in ay haatan u qorsheysan tahay in ay la kulmaan mas’uuliyiinta Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Dalka Jabuuti ayaa waxaa haatan ku wada sugan Wafdi uu hoggaaminayo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad, kuwaasi oo horay ugu kulmay Magaalada Muqdisho, isla markaana isla soo qaaday arrimo ku saabsan sidii Dib u heshiisiin iyo wada loogu dhameyn lahaa mushkiladda Soomaaliya.
Ugu dambeyntiina, waxaa si xowli ah u socda dadaal ay Beesh Caalmka ku dooneyso sidii loo heshiisiin lahaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda, iyadoo dadaalkaas uu kaalin firfircoon ka ciyaarayo Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Danjire Ahmedou Ould-Abdallah.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia