Ciidamadii Maxkamadaha Islaamka oo isaga baxay Magaalada Jowhar kadib saacado ay ku sugnaayeen

Arbaco, April 09, 2008(HOL):Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa isaga baxay ciidamada Maxkamadaha Islaamka ee saaka waaberigii la wareegay gacan ku heynta Magaaladaas.

Ciidamada Maxkamadaha ayaa intii ay ku sugnaayeen Magaalada Jowhar waxay sii daayeen maxaabiis u xirnaa maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, sidoo kalena waxay galeen xarumihii ay ku howlgelayeen Madaxda Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Wariyayaal ku sugan magaalada Jowhar oo aan qadka Taleefoonka kula xiriirnay ayaa waxay noo sheegeen in saraakiil horkaceysay Ciidamada Maxkamadaha ay Dadka Jowhar u qudbeeyeen, isla markaana ay u sheegeen in ay is-dejiyaan oo aysan wax qalalaase ah sameynin.

Saraakiishaas la hadlay Dadka Jowhar waxaa ka mid ahaa Daahir Caddow Calasow oo u sheegay Dadkii isugu soo baxay in ay khudbadiisa dhegeystaan in tegitaankooda Jowhar uu qeyb ka yahay booqashooyin ay beryahan ku tegayeen Magaalooyin dhowr ah oo ku yaala Soomaaliya, wuxuuna sheegay in Degmooyinkii ay booqdeen ay u sharaxeen dadkii ku sugnaa dhibaatada dalka ka jirta iyo sida looga bixi karo.

Ciidamada Maxkamadaha Islaamka ayaa waxay qabsadeen Magaalada Jowhar 26-kii Bishii hore ee Maarso, xiligaasi oo ay waqti kooban Magaalada kula dagaalameen Ciidamo ka amar qaata Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe, kuwaasi oo ay aakhirkii ka itaal roonaadeen.

Ugu dambeyntiina, mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe oo xalay saqdii dhexe isaga baxay Magaalada Jowhar kadib markii ay maqleen in ay ku soo wajahan yihiin Ciidamada Maxkamadaha ayaa haatan lagu soo waramayaa in ay ku sugan yihiin Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo aan la ogeyn in ay dib ugu soo noqon doonaan Jowhar iyo in ay meelo kale sii aadi doonaan.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia