Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab oo ka warbixiyay Qarax shalay lala beegsaday fariisin ay Muqdisho ku leeyihiin Ciidamda Burundi

Arbaco, April 09, 2008(HOL): Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa wuxuu ka warbixiyay qarax uu qof naftiisa huray la beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen Ciidamada Burundi ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in Qaraxaasi uu fuliyay marxuum lagu magacaabi jiray C/casiis Bishaar C/llaahi oo sida uu yiri ka qeybqaatay Dagaallo ka dhacay Iidaale iyo Muqdisho.

“Qaraxaas waxaa khasaare ka soo gaartay Ciidamada Burundi ee ku sugan Jaamacaddii Muqdisho, sidoo kalena 12 gantaal ayaan lagu duqeeyay Ciidamada Uganda ee ku sugan xarunta Dugsigii tababarka Xalane, sidoo kalena khasaare ayaa madaafiicdaas ka soo gaaray Ciidamada Uganda”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Shiikh Mukhtaar Roobow waxaa uu sheegay in waxyeellada qaraxaas uu ku koobnaa kaliya Ciidamada Burundi iyo kuwa Uganda, wuxuuna waxba kama jiraan ku tilmaamay warar soo baxay qaraxaas kadib oo sheegayay in ay jiraan Dad rayid ah oo qaraxaas ku dhintay, “Ma jiraan Dad rayid ah oo qaraxaas ku dhintay, haddii ay jiraana waa kuwo cadawga u adeegayay”ayuuna yiri Shiikh Mukhaar Roobow Abuu Mansuur.

Mar wax laga weydiiyay Shiikh Mukhaar Roobow waxa keenay in ay weerarro ku qaadaan Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan waxaa uu sheegay in ay la shaqeeyaan Ciidamada Itoobiyaanka, “Haddii ay howlgallo sameynayaan Ciidamada Itoobiyaanka waddooyinka ay u xiraan kuwa Amisom, haddii weerarro lagu qaadana waxay u noqdaan gaashaan, sir-doonkoodana waa isla shaqeeyaan”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow oo sheegay in uu ugu baaqayo Dowladahaas in ay Ciidamadooda kala baxaan Soomaaliya, haddii kalena ay meydadkooda qaadan doonaan.

Ugu dambeyntiina, Afhayeenka Al-Shabaab waxaa wax laga weydiiyay sida uu u arkayo dib u heshiisiinta laga dhex wado Dowladda Federaalka iyo Mucaaradka ka soo horeeda, wuxuuna sheegay in uusan ogeyn Dowlad ka jirta Soomaaliya, “Yaa la heshiisiinayaa halkan (Somalia) Dowlad kamaba jirto, waxaana madax ka ah Gabre oo xoog ku qabsaday, waana laga saarayaa haddii Alle idmo, kadibna Umadda Soomaaliyeed iyada ayaa aayaheeda ka tashan doonta”ayuu yiri Shiikh Mukhtaar Roobow oo intaas ku sii daray in Itoobiya ay ka xumaatay nabadgelyadii ay Maxkamadaha Islaamka ka hirgeliyeen Soomaaliya, kadibna ay Ciidamadeeda u soo dirtay Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia