Arbaco, April 09, 2008(HOL):Dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaaday in ay diyaar u tahay in ay wax ka qabato dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya ee salka ku heysa khilaafaadyada u dhaxeeya dowaldda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti Cabdi Xuseen Axmed oo la hadlay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in ay Jabuuti ay ku howlaneyd xal u helidda Mushkiladda Soomaaliya tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore, wuxuuna sheegay in sanadkii 1991-kii ay Jabuuti qabatay shir Soomaalida lagu heshiisiinayay, iyadoo sidoo kalena sanadkii 2000 qabatay shir Dib u heshiisiineed oo lagu soo dhisay Dowladdii TNG-da.
Cabdi Xuseen Axmed, La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti waxaa uu intaas ku daray in maanta ay Magaalada Jabuuti ku kulmeen Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde), isagoo xusay in kulanka labada mas’uul looga hadlay sidii xal loogu heli lahaa dhibaatada ka taagan Soomaaliya.
La-taliyaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti waxaa uu sheegay in ay sidoo kale Jabuuti ku sugan yihiin Xubno ka socda Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, maalmaha soo socdana ay soo gaari doonaan Wafdi ka socda Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea, “Dowladda Jabuuti waa isugu mid, mana kala jecla Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda”ayuu yiri Cabdi Xuseen Axmed oo ka jawaabayay weydiin ahayd cidda ay Jabuuti aad isugu dhow yihiin dhinacyada isku haya Soomaaliya.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Mas’uulkan u hadlay Dowladda Jabuuti ayaa wuxuu rajo ka muujiyay in wada hadal iyo dib u heshiisiin lagu dhameeyo khilaafaadyada u dhaxeeya dhinacyada isku haya Soomaaliya, wuxuuna ka gaabsaday in uu sheego suurtagalnimada in ay Jabuuti ku kulmaan dhinacyada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia