Arbaco, April 09, 2008(HOL):Magaalada Jowhar ee Xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay mar kale gacanta u gashay ciidamada Maxkamadaha Islaamka oo dhawaan la wareegay gacan ku heynta Magaaladaas.
Ciidamada Maxkamadaha ayaa lagu soo waramayaa in ay Magaalada Jowhar la wareegeen iyadoo uusan wax dagaal ah dhicin, waxayna taasi ku suurtagashay kadib markii ay xalay saqdii dhexe magaalada isaga baxeen Ciidamadii Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa saaka waxaa uu waaga u baryay iyadoo ay Magaalada gacanta ku hayaan Ciidamada Maxkamadaha Islaamka, isla markaana aysan magaalada ku sugneyn Ciidamadii ay xalay ku ogaayeen gacan ku heynta magaalada
Wararku waxay intaas ku darayaan in qaar ka mid ah dadweynaha ku dhaqan Magaalada Jowhar ay bililiqo u geysteen xarunta maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe iyo weliba Xabsiga iyo Saldhigga Degmada, iyadoo la soo sheegayo in ay dadku qaar ka mid ah xarumahaas ay dab qabadsiiyeen.
Dhawaan ayay ahayd markii ay Ciidamada Maxkamadaha Dagaal waqti kooban socday kula wareegeen gacan ku heynta Magaalada Jowhar, iyagoo kadibna halkaas isaga baxay.
Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka ayaa dhawaanahan waxay la wareegayeen gacan ku heynta magaalooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobollada Shabeelooyinka, Bay Bakool iyo Hiiraan, iyadoo gobolladaasina ay ku sugan yihiin maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia