Arbaco, April 09, 2008(HOL): Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shaaca ka qaaday in ay Dowladda Federaalka soo sameyn doonto lacag cusub oo Shilin Soomaali ah.
Wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa wuxuu sheegay in ay Wasaaraddiisa Golaha Wasiirrada u gudbin doonto qorshaha soo sameynta lacagta cusub.
Xuseen Ceelaabe Faahiye waxaa uu sheegay in lacagta ay soo sameyneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya ay noqon doonto mid macquul ah oo looga baxo lacagta Kunka Shilin ka bilaabaneysa, Kunka Shilin-na ku dhamaaneysa.
Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaa uu ka hadlay sicir bararka ka taagan Soomaaliya wuxuu sheegay in sicir bararka jira uu xiriir la leeyahay Sicirka Suuqyada Caalamka oo sare u kacay iyo weliba midka wax soo saarka Dalka aad u yaraaday.
Hadalka Wasiirkan ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay sii duugoobeyso lacagta Kunka Shilin Soomaaliga ah ee ka soo hartay Lacagtii Shilinka Soomaaliga, isla markaana ay haatan bilaabeen ganacsatada in ay diidaan in ay wax ku iibsadaan lacagta Kunka Shilin ee duugowday.
Mar sii horeysayna Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Bashiir Ciise ayaa wuxuu sheegay in ay Dowladda soo sameyneyso lacag cusub oo Shilin Soomaali ah, taasi oo uu sheegay in ay meesha ka saari doonto sicir bararka ka jira Dalka Soomaaliya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia