Arbaco, April 09, 2008(HOL):Waxaa Magaalada Muqdisho ka socday maalmahan shirar uu soo qaban qaabiyay Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir, kaasi oo looga hadlayay sidii wax looga qaban lahaa sicir bararka ka taagan Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir Maxamuud C/kariin Gabeyre ayaa sheegay in ay shalay la kulmeen qeybo badan oo ka mid ah Ganacsatada Muqdisho, Sariflayaasha iyo weliba xubno ka socday Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, kuwaasi oo ay ka doodeen sida wax looga qaban karo Sicir bararka jira iyo saameynta uu shacabka uu ku yeeshay.
Maxamuud C/kariin Gabeyre waxaa uu sheegay in ay maanta la kulmayaan Culumaa’uunka ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo ay iyana kala tashanayaan sida ay u arkaan Sicir bararka jira iyo weliba doorkooda ku aadan in wax laga qabto, wuxuuna intaas ku daray in ay maalinta berri ah oo Khamiis ah ay soo saari doonaan go’aanno ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dhibaatada uu Sicir bararka keenay.
Shirarka uu Midowga Ganacsatada Gobolka Banaadir ka leeyahay wax ka qabashada Sicir bararka jira ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maalmihii tegay uu aad sare ugu sii kacay qiimaha Raashinka quutul-daruuriga ah ee ay dadka u baahan yihiin, iyadoo ay xusid mudan tahay in ay Suuqyo ku yaala Magaalada Muqdisho ay ka bilowdeen dibadbaxyo ay sameynayeen dad ka cabanayay Sicir bararka iyo weliba diidmada lacagta duugowda ee Kunka Shilin Soomaaliga.
Sicir bararka ka jira Dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa waxaa in ay ka dambeeyaan isku eedeeyay Ganacsatada, Sariflayaasha Lacagaha Qalaad iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Midowga Ganacsatada Gobolka Banadir Maxamuud C/kariin Gabeyre waxaa uu sheegay in Sicir bararka uu sabab u yahay iyadoo aaney jirin lacagihii Shilin Soomaaliga ahaa ee wareegga sameyn jiray, wuxuuna caddeeyay in haatan canshuurta ay Dowladda ka qaaddo ganacsatda ay ku bixiyaan lacag Doollar ah, halka markii hore ay ku bixin jireen lacag Shilin Soomaali ah oo ku xaroon jirtay Bangiga Dowladda, kadibna mushaarooyin lagu siin jiray Shaqaalaha Dowladda, kuwaasi oo iyana Suuqyada kula soo noqon jiray.
Laakin waxaa dood taas ka duwan qaba C/llaahi Axmed Cali oo ka mid Sariflayaasha Lacagaha Qalaad, kaasi oo sheegay in Sicir bararka ay keeneen ganacsatada oo badeecooyinkooda Doollar ku iibsada, isla markaana aad sare ugu qaada, wuxuuna intaas ku sii daray in xitaa diidmada lacagta duugowday ay ganacsatada ka dambeeyaan waayo ayuu yiri qofka ganacsadaha ah in uu qaato lacag Shilin Soomaali ah wuxuu ka jecel yahay in Doollar wax looga iibsado.
Ugu dambeyntiina, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in sicir bararka ka jira magaalada Muqdisho ay ka dambeeyaan ganacsatada oo uu sheegay in ay wax ku iibiyaan qiimo aad uga badan qiimaha ay badeecooyinka ku soo iibsadaan, wuxuuna ganacsatada ugu baaqay in looga baahan yahay in ay dadka u naxariistaan.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia