Sanduuqa Qaranka ee Cimillada Soomaaliya (NCF) oo aqoon-is-weydaarsi ku saabsan Maaliyadda Cimilada u qabtay Ururka Bangiyada Soomaaliyeed

Axad, December 14, 2025 (HOL) - Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya (NCF) ayaa  magaalada Muqdisho ku qabtay tababarkii ugu horreeyay ee Maaliyadda Cimilada (Climate Finance) ee loo qabto Bangiyada Soomaaliyeed, (Somali Bankers Association).

Kulankaan aqoon-is-weydaarsiga ah ayaa diiradda lagu saaray qaab-dhismeedka caalamiga ah ee maaliyadda cimilada, sanduuqyada waaweyn ee caalamiga ah (Vertical Funds), iyo fursadaha ay u heli karaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee Soomaaliyeed. Sidoo kale, kulanka ayaa u suurageliyay khubarada bangiyada Soomaaliyeed in ay soo bandhigaan waayo-aragnimadooda ku saabsan helitaanka maalgelinta cimilada iyo sida ay Bangiyadu ugu celin karaan maalgelintaas macaamiisha, si loo xoojiyo adkeysiga bulshooyinka.

“Bangiyada Soomaaliyeed waa laf-dhabarka dhaqaalaha dalka, isla markaana waa furaha hadda iyo mustaqbalka maalgelinta cimilada,” ayuu yiri Liiban Cabsiiye, Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Cimilada Soomaaliya. “NCF waxaa ka go’an in uu hubiyo ka-qaybgal xooggan oo ay yeeshaan ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee dhismaha adkeysiga Qaranka.” Ayuu yiri Agaasime Liibaan.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed (SBA), Dr. Ahmed Khadar A. Jamaac, ayaa bogaadiyay kulankaan aqoon-is-weydaarsiga ah ee maaliyadda cimillada, isaga oo xusay muhiimada uu u leeyahay bangiyada Soomaaliyeed marka la eego isbeddelka ku socda nidaamka maaliyadeed ee caalamiga ah cimilada Maaliyadda.

“aqoon-is-weydaarsigaan ku saabsan maaliyadda cimilada waa mid muhiim u ah Bangiyada Soomaaliyeed, maadaama uu siinayo fursad ay ku horumariyaan aqoontooda, taas oo ka caawinaysa in ay ka faa’iideystaan fursadaha ganacsi ee jira, kana shaqeeyaan kobcinta dhaqaalaha Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyaha Ururka Bangiyada Soomaaliyeed.

Kulankaan aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socday dhammaan Bangiyada ka howlgala Soomaaliya, kuwaas oo intooda badan maalgelin ku leh waaxyaha u nugul isbeddelka cimilada, sida beeraha iyo tamarta. Aqoon-is-weydaarsigaan ayaa waxaa taageeray hindisaha "Pioneer Country Trials" Uk FCDO, oo taageeraa habab cusub oo isku-duuban oo lagu heli karo, laguna gaarsiin karo maalgelinta cimilada dalal dhowr ah oo Afrika ah, oo ay Soomaaliya ka mid tahay.