
Axad, December 14, 2025 (HOL) - Taliska ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa abaal marin lacageed guddoonsiiyay laba dhalinyaro beeraley ah oo xubno ka tirsan maleeshiyaadka yaanbo kula dagaalamay.
Labadan dhalinyarada ah oo lagu kala magacaabo Salaad Maxamed Cali iyo Cabdi Cabdullaahi Cali ayaa la sheegay iney yaanbooyinkii ay beerta ku falanayeen ku dileen xubno ka tirsana Al-shabaab, islamarkaana hubkoodii horay uga soo furteen.
Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka Gaashaanle Dhexe Cali Axmed Xaashi Cali Cageey ayaa warbaahinta qaranka u sheegay in Al-shabaab ay isku dayeen in lacago baad ah ay ka qaataan raggan, taasina ay keentay in yaanbooyinkoodii ku dagaalamaan.
“Dadka aan abaal-marinay waa laba dhalinyaro ah oo kasoo furtay cadowga laba qoray oo AK47 ah, ugana soo furtay Yaambada lagu fasho beeraha, arrintan waxay ka dhacday gudaha cadowga deegaan u dhow Booco, labada wiil ayay u yimaadeen, si ay baad uga qaataan, laakiin way iska dhiciyeen” ayuu yiri Taliye Cali Axmed Xaashi Cali Cageey.
Labada nin ee howlgalkan kasoo fuliyay gudaha deegaanka Dhoqor ee gobolka Hiiraan ayaa la guddoonsiiyay lacag $2000 oo doolar ah oo uu talisku sheegay iney tahay mid lagu dhiiragalinaayo ragaan dhalinyarada ah.
Horay sidaan oo kale dowladda Soomaaliya waxay u abaal marisay dad shacab ah oo ka hortegay dhibaatooyinka Al-shabaab, kuwaas oo qaarkood toos ugu biiray dagaalka xoreynta ah ee ka dhanka ah Al-shabaab.